|

Xisbiga Mucaaridka Jabuuti ee ARD oo qabanaya isu soo baxyo joogto ah

Jabuuti Feb 23,2012(SDN)-Xisbiga mucaaridka reer Jabuuti ee ARD ayaa kulan uu yeeshay shalay ka dib soo saaray baaq uu ku ickaaminayo isu soo baxyo ka dhan ah xukuumada Jabuuti.

Xisbiga oo isu soo baxyo balaadhan ku xusay sanadguuradii ka soo wareegtay February 18 ayaa ku baaqay in mudahaardoyo taxane ah uu ka qabanayo caasimada Jabuuti,ka dibna uu uga gudbayo degaano ay ka mid yihiin Obock iyo Tadjourah.

ARD ayaa qorsheyneysa in maanta ilaa iyo bisha March lixdeeda uu qabto isu soo baxyo Salmi ah oo ay ka soo qeybgalaan shacabka taageersan.

ARD ayaa ka dib isu soo baxyo ka sameyn doona March todobadeeda ilaa tobankeeda magaalooyinka Obock iyo Tadjourah.

Halka isu soobaxyo lagu qaban doono magaalooyinka Ali-Sabieh, Dikhil, Yoboki, As-Eyla dib laga soo sheegi doono,sida lagu sheegay qoraal ay xisbigu soo saareen oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xoghayaha warfaafinta ee ARD,Md Ali Mohamed Abdou.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed