|

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay wefti ka socday shirkadda TOYOTA oo Hargeysa yimi

Hargeysa 25. Feb.2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, ahna kusimaha Madaxweynaha ee xilligan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici), ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda shirkadda TOYOTA MARILL oo socdaal ku yimi Hargeysa.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Madaxtooyadu soosaartay, Kusimaha Madaxweynuhu waxa uu weftigan ku qaabilay xafiiskiisa, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkada caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, waftigan oo ka koobnaa shan xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada jabuuti, Somaliland iyo soomaaliya LUCMARILL.

Madaxweyne ku xigeenka waxa  uu uga mahad-celiyey xubnaha weftigaasi booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maaligelin ku samaynaysa Dalka, waxaanu intaa raaciyey Madaxweyne-ku-xigeenku in ay gacan ka gaysan doonaan waxkasta oo lagam-maarmaan u ah hirgelinta shirkadan xukuumad ahaan.

Agaasimaha Maamulka ee Shirkada TOYOTA MARILL ee dalka Jabuuti oo kulankaasi ka hadlay waxa uu uga mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka sidii wanaagsanayd ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa waxaanu ka xog-waramay agaasimuhu dedaalka ay ugu jiraan in shirkad ahaan ay xafiis-ka furtaan Somaliland oo ah Dal nabdoon, xasiloon isla markaana ku talaabsaday horumar ganacsi, iyo Dimuquraadiyad taasi oo keentay in ay shirkadoodu ay ku soo hirato arrintaasi, oo ah ta sababtay TOYOTA MARILL ay hormood u noqoto shirkadaha caalamiga ah ee ka jira Somaliland.

Dhinaca Xukuumada  waxa kulankan ku wehelinaayey La-taliyaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cismaan Siciid Jaamac iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cali Xuseen Nuur

Dhinaca Weftiga

1.         Lucmarill Managing Director

2.       Denis Bouzin

3.       Kateryn Bourgine

4.       Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL

5.       Siciid Jaamac Cali.”

 

Qurbejoog,com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed