Hargeysa Dec 23,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku guul dareystay in ay hadal mideysan ka soo saaraan shir dhawaan ay ku yeesheen madaxda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana ay ka soo baxeen warar kala duwan.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa shir Jaraaid oo uu qabtay shirkii Jabuuti dabadii iyo wareysiyo uu bixiyay ku taageeray shirka.
Halka Xoghayaha Warfaafinta ee isla xisbiga UCID Md Yusuf Keyse Cabdilahi ayaa isna war uu soo saarey suaal geliyay natiijadii ka soo baxday wadahadaladii dhawaanta dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.
Arinkan ayaa waxa uu jahawareer hor leh u hoseeday shicibkii ku hawlanaa in ay helaan warar sugan u ku saabsan waxii looga wada hadlay Jabuuti.
Madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ujeedadii laga lahaa Shirka iyo natiijadii ay sheegeen in ay ka soo baxday.
Madaxda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dalkaasi Md Xasan Sheekh ayaa dulucda warkoodu ahaa in wadahadalada looga gol leeyahay dib u mideynta Soomaaliya.
Halka Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo xubnihii xukuumada ka tirsanaa ayaa shirka Jabuuti ka qeyb galay ayaa shacabka Somaliland u sheegay in shirku ahaa mid Somaliland u sahlaya madax banaani buuxda oo ay ka hesho caalamka.
Si kastaba ha ahaatee hadal heynta Shirka iyo wixii ka soo baxay ayaa waxa ay walaaca uGu badan ku hayaan shicibka reer Somaliland oo isa siiyay qadiyada gooni isu taaga Somaliland.
SDN/QJ-Hargeysa
