Toronto Sept 21,2012(SDN)-Qoraal naga soo gaaray masuuliyiinta Ururka Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID ayaa waxa lagu beeninyay Ogeysiis saxaafada la dhigay oo lagu sheegay in xisbiga UCID uu xaflad ku qabanayo magaalada Ottawa ee dalka Canada.
Qoraalka ayaa kiyoo dhameystiran sidan u qoraa;
“Beeni lug qudhay leeday ayay Somalidi tidhaa, Shirka been abuurka ah ee ay dadka-fidno abuurka wadaa ay kufaafiyeen wergeysyadda qaarkood, warkaas oo sheegay in shir UCID qabanayo uu kadhici doono Otawa Canada, hadaba waxa aanu ummada u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin beentaa ay sida badheedhka ah ugu faafiyeen website-yada.
Xubnaha Golaha Dhexe ee UCID, oo ku sugan Canada ayaa si cad u beeninaya arrintaa been abuurka ah ee ay dadka sida aan meel ay ku sugan yiin jirin lana aqoonin ay faafinayaan,waxaanay sheegayaan xubnahaa golaha dhexe ee Ucid ka tirsan in ay sheekadaasi tahay marinhabaabin iyo mucaaradad aan caqli iyo caafimaad ku dhisnayn.
Xubnaha Galaha Dhexe ee Beeninaya warkaa tashuushka ah waxa ay kala yihiin.
1-Abdi Hussein
2- Maxamed Xassan Bardaax
3-Ibrahim Omer Abdi
4- Asha Koosaar
Waxa aanu shacbiweynaha sharafta leh aanu u sheegaynaa in warkaasi yahay hal bacaad lagu lisay iyo waxba kama jiraan waana in laga digtoonaadaa dadka sida xun wax u sheegaya,sidoo kale waxa aanu wergeysyda ku boorinaynaa in ay ka fiirsadaan hubiyaana wararka ku tidhi ku teenka ah.
Waxa aanu u mahad celinaynaa dhamaan website-yada warkaabeenta ah kasaaray wergeysyadooda kuwa aan kasaarina waxa aanu si xishmad iyo karaameyni ay kujirto aanu uga codsanaynaa in ay katuuraan website-yadooda warkaa beenta ah.
Mahadsanidin
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
