Berbera Sept 21,2012(SDN)-Waxa xalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Faysal Cumr Mushteeg oo in mudo ahba xanuunsanaa.
Fanaanka oo allaha u naxariistee ka mid ahaa kuwa sida weyn ay Soomaalidu heesihiisa u jeceshahay ayaa ku soo jeeday dalka UK.
Fanaanka oo mudo sanado ah ku jiray kana dhex muuqday heerarkii kala duwanaa ee fanka ayaa waxa ka naxay geeridiisa bulshada sida gaadhka ah u xiiseysa fanka.
somalidiasporanews.com/qurbejoog.com ayaa waxa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu allaha u naxariistee ka baxay Al Fanaan Faysal Cumar Mushteeg.
Sidoo kale waxa aanu eebe uga baryeynaa marxuumka in uu ka waraabio janadiisa fardoosa,aammiinn.
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com
