Uncategorized

Xisbiga UDUB oo xaal-marin ka dalbaday guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani, faahfaahina ka bixiyay gefka ay ka tirsanayaan

Hargeysa 03, October 2012 (SDN)- Xisbiga UDUB ee shaaciyay inuu ka dhacay doorashada Deegaanka Somaliland, ayaa naqdiyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani, ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray kusimaha Xoghayaha Guud ee xisbiga kala-daatay ee UDUB Mr. Cabdixaliim Maxamed Muuse, xisbigu waxa uu gef u arkaa hadal uu guddoomiye Cirro ku duray xisbigooda, wuxuuna xaal-marin ka dalbaday madaxda ururka Wadani, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Sida 02 October,2012 lagu daabacay wargeyska Ogaal Cadadkiisa 1766 Qoraal uu Guddoomiyaha Wakiilada JSL oo isla markaana ah Guddoomiyaha Ururka Waddani (Cabdiraxman Cirro) uu ku aflaagaadeeyey Xisbiga UDUB, kaas oo uu ku sheegay in Xisbiga UDUB tartami kari waayey isaga oo dedafaynaya Gafka Xisbiga ka soo gaadhay Guddiga Diiwaangelinta Ururada ee Xukuumadda iyo Komishankii Doorashuba ku raaceen

Waxaanu u aragnaa Hadalkaa Guddoomiyaha Ururka Waddani mid Deel-qaaf ku ah Xisbiga UDUB, kana hiilinaya cadaaladda.

Waxaanu uga fadhinaa Cabdiraxman Cirro iyo masuuliyiinta Ururka Waddani inay si deg-deg ah uga Xaal bixiyaan hadalkaa meel ka dhaca ah.

Waa nasiib darro in hadalka ay nagala xishoodeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo uu noola badheedho Cabdiraxman Cirro.

Xisbiga UDUB Wuxuu gartiisa u bandhigtay Bulsahada caalamka ee danaysa nabadda iyo Dimoqraadiyadda iyo Deeqbixiyeyaasha Doorashooyinka J. Somaliland, markii aanu arki waynay Garsoor madaxbannaan oo ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo la wada ogyahay baryahan dambe in Garsoorkii siiba Maxkamadii Sare ee madaxa-banaanaan lahayd Xukuumaddu ku hayso faro-gelin toos ah, iyada oo aanu hubno inay ka hawl-galaan Garsoorayaal aqoon sare u leh Garsoorka oo hawshooda si wacan u gudan lahaa haddii loo madax bannayn lahaa.

Waxaanu Jecelahay in Ururada maanta Dalka ka Jiraa ka Fekeraan Caddaalada ay heli karaan haddii Xisbigii UDUB ee 11ka Sanno jiray, Muddada dheer waddanka ka talinayey, seeska u Dhigay Dawladnimada iyo nidaamka Dimoqraadiga ah ee Somaliland maanta ku faanayso, suuro-geliyey in saaxadda siyaasadda ku soo tartamaan Ururo, kuwaas oo ay ka soo dhexbexeen UCID iyo Kulmiye oo maanta talada dalka haya, Si cad loogu badheedhay in doorashada laga reebo.

Waxa la yidhi ‘Gar eexo oo nimaad necebtahay ku naqdaa, nimaad jeceshahay ayay sugaysaa’.

Waxaanu qabnaa in haddii ayaan darradaa dhacday uu Xisbiga UDUB aqbalo ummada reer Somaliland meel dheer laga dooni doono.

Waxaanu qabnaa in dad badan oo aan maanta dhaadanayn ay ku noqon doonto dhacdadii saddexdii Dibi iyo Libaaxa. Bulshooy nala faham in baroortu Orgiga ka weyn tahay. Xisbiga UDUB-na marnaba ma aqbali doono wax aan caddaalad ahayn.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com