|

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay in Xalka Sicir Bararka ay ka Doonto in Lagu Jiifsado Shirkad Qudha & Khatarta Ka Dhalan karta DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in gudi Xukuumadu u saartay Wax ka qabashadda Sicir bararka dalka ka taagan Saluug badan laga muujiyey.

Cabdilaahi Daamur oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargaysa ayaa Sheegay in Xogo ay heleen ay Sheegayaan in talaabooyinka ay ilaa hada qaadeen guddidaasi ay u qaadeen dhankii aan Saxda ahayn ee ay ku Fashilmeen Sida uu yidhi Xukuumadii tan ka horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu ka digay in hadii ay dhacdo in Guddidani noqoto mid Siyaasadaysan oo Shirkadaha qaar Culays saarta Kuwo kalena Kor u soo qaada inay dalka iyo dadkaba dhibaato ku keeni doonaan, Waxa uu Siyaasigani sheegay in dalka ay ka taagan tahay kala qaybsanaan Siyaasadeed Mid dhaqaale iyo Mid amni,Isagoo xusay in Shalay oo u danbaysay Muqdisha Hub laga soo gurayay si loogu soo duulo Somaliland.

Siyaasi Cabdilaahi Daamur Waxaa kale oo uu xusay in Wakhtigii SNM ay ahaayeen Laba Garab oo Garab ka mid ah uu ku Jiray Madaxweyne Muuse Biixi Garabka  kalena ay ahaayeen Mujaahidiintii,Waxa uu sheegay in Garabka Madaxweynuhu ku jiray ay ku hawlanaayeen gudaha Ururkii SNM isagoo intaas ku daray in Siyaasada uu Maanta dalka ku hogaaminayaa ay taas la mid tahay.

Comments are closed