|

XOG-Axsaabata Mucaaridka oo ka tabaabusheysanaya dhisida dawlad iyagu gaar u leeyihiin

Burco (qurbejoog)- wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in axsaabta mucaaridka ay halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaqyo looga arinsanayo xaalada dalka, khaasatan damaca Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo in xisbiyada niaam sharciga baalmarsan u burburiyo isla markaana uu mudada ku kororsado.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mucaaridku ay isu diyaarinayaan sidii arinkaa looga hortagi lahaa, oo hadii madaxweyne Biixi ku adkeystao sharci jebinta tilaabooyin ay u qaadi lahaayeen.

Xubnaha Qurbajooga Axsaabta Mucaaridka ayaa culeys ku saaraya masuuliyiinta in arinkan si buuxda looga hortago, iyaga oo soo jeediyay in xaruntoodu noqoto magaalada Burco.

Taageereyaasha mucaaridka ee labada dhan ee Burco ayaa arinkan ku wada socda, waxaana iminka socda dedaalo lacago loogu ururinayo sidii axsaabtu tilaabooyinkan u meel marin lahaayeen.

Taageereyaasha mayalka adag ee axsaabta mucaaridka ayaa soo jeediyay in mucaaridku ku dhawaaqo madaxweyne xaruntiisu noqoneyso Burco oo ay isku waafaqsan yihiin.

Tilaabadaa ayaa ay soo jeediyeen in la qaado marka madaxweyne Biixi mudo xileedkiisu dhamaado sanadka dhamaadkiisa.

Madaxda xisibiyada mucaaridka ayaa dareemaya in goaankan qadhaadh raacidiisa uu sahlayo habdhaqanka Madaxweyne Biixi ee baal marsan dimuqraadiyada.

Comments are closed