|

Xog cusub oo Daaha ka rogtay Cida Fiisaha Dal ku galka Turkiga u dalabtay Ninkii Qarxiyey Diyaaradda Daallo AKHRI

Muqisho 12. February,2016(SDN/QJ):– Safaarada Soomaaliya Ee Turkiga Oo Fiisaha Dal Ku Galka U Dalabtay Ninkii Laptop-ka Ku Qarxiyay Diyaaradii Daallo.
Kiiska dhacdadii qabsatay diyaaraddii Daallo Airlines ee Muqdisho ka duushay lana qarxiyay ayaa waxaa isa soo taraaya wararka xaqiiqooyinka ah ee laga helaayo habkii loo shir qoolay Diyaaradaas
iyadoo ay soo baxayaan xogo badan oo ku saabsan ninkii Computer-ka Labtop-ka ku qarxiyay qaraxii Diyaarada lala beegsaday, kaas oo ahaa qofkii ka dhacay diyaaradda isla markaana meydkiisa laga helay degaano ka tirsan Demada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Waxaa iminka la helay xog tilmaameysa in ninkaasi uu doonayay inuu raaco diyaaradda Turkish Airlines oo iyadu ku sugneyd dalka Jabuuti, hase yeeshee qorshihiisii fashilmay, kaddib markii uu qarxay xilli uu diyaarinayay qaraxaasi.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdillaahi Cabdi Salaan Boodhle ayaa muddo saddex bilood kahor ahayd oo ku beegan bishii ugu dambeysay ee sanadkii 2015-ka uu Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ku taala magaalada Ankara ay u dalabtay fiisaha dalku galka Turkiga.
Cadaynta Warqadda ay Safaaradu ugu dalabtay Fiisaha oo copy kamid ah ay heleen warbaahinta qaar warqada lagu sheegay in ninka Cabdillaahi Cabdi Salaan Boodhle uu ka tirsan yahay Wasaaradda arrimaha dibadda, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Maxamed Cali uu isagu ahaa masuulkii Fiisaha ninkaas dalbay, isagoo ka dalbaday Safaarada Turkiga ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho, taas oo uu ku codsaday in Fiisaha la siiyo ninkaasina uu Wasaarada Khaarajiga Soomaaliya ka tirsanyahay,.
Sidoo kale waxaa codsiga Fiisaha uu Safiirka Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud u fadhiya Ankara ku sheegay in ninkaasi uu Sito Baasaboor Diplomasi ah.

embassay-turki-310x375

Comments are closed