Ankara April 07 2013 (SDN)– Xogahaya Arrimaha Dibadda dowladda Maraykanka ayaa gaaray dalka Turkiga halkaasi oo lafilayo in uu wada hadalo looga hadlayo arrimaha Israel iyo Syria kula yeelsho Madaxda dowladda Turkiga.
Xoghaye John Kerry ayaa wada hadaladiisa ugu horeen diirada ku saari doona sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyay Dowladda Turkiga iyo Israel.
Waxa uu sidoo kale John Kerry ka codsan doonaa xukuumadda Ankara in ay furto xadka ay la wadaagto dowladda Syria si dadka ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalkaasi ay u soo gaaraan Turkiya.
John Kerry ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Axmed Da’uud Ogle.
SDN-Ankara
