Dooxa April 07 2013 (SDN)– Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday qabashada Shirweyne Dhaqaalo loogu Aruurinayo gobolka Daarfuur kaasi oo socon doona muddo Labo Maalmood ah islamarkaana ay ka soo qeybgali doonaan Madax sare iyo dad aduunyada Magac ku leh.
Shirka Qadar ka dhicidoonaan ayaa lagu baadi goobi doonaan in lagu aruuriyo dhaqaale gaaraya ku dhawaad $7.2 Bilyan (oo dolarka Maraykanka ah) si loo kor dhiyo gargaarka lag geeynayo gobolka Daafur ee dalka Sudan.
Shirkan ka hor ayaa dowladda UK (Ingiriiska) waxa ay ku dhawaaqday taburaacad dhaqaale oo gaareysa 33milyan oo bond.
Ku dhawaad 300,000 oo ruux ayaa ku geeriyooday dagaallo 10-sano ka soconayay gobolka Daarfur iyadoo 1.4 milyana ay gurya la’aan iyihiin sida laga soo xigtay qiyaas ay sameysay Qaramada Midoobay.
SDN-Dooxa
