Muqdisho:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Badhtamaha Magaalada Muqdisho Lagu qabtay Xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab, kaas oo Weerar Bambaano ah ku qaaday Xarun Ciidanka Dawladdu Ku Leeyihiin Degmada Hodan.
Ninkan oo qarax ka dib isku deyay in uu ka baxsado goobtaasi, ayaa waxaa ku dhegay oo isku duubay askari ka tirsan Nabad Suggida, oo aan wax hub ah wadan, balse ka ag-dhawaa goobtii la weeraray.
Dadka deegaanka oo ku soo baxay dhacdadaasi, ayaa waxay jidhdil kula kaceen ninkii qaraxa geystay, kaasoo da’diisu lagu sheegay qiyaastii 24 sano jir.
Dadkii Goobjoogayaasha ahaa, ayaa sheegay in shacabkii Halkaas ku sugnaa ay ku dhiirradeen inay garaacaan Ninkaas, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyey ka hor intii aanay ciidanku goobta soo gaadhin.
Ciidan ka tirsan Nabad Suggida oo watay gaadhi dheereeya, ayaa ninkaasi ka soo qaaday Degmada Hodan, waxayna ula dhaqaaqeen oo ay geeyeen Xarunta Nabad Suggidu ku lee dahay Godka Jilacow ee Degmada Boondheere.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab, hadana waxaa la ogyahay inaanay awood badani ku lahayn, marka laga soo taggo in weeraro gaadmo ah ay ka geystaan.
Xubintan ka tirsan Ururka Al-shabaab ee Xalay La Qabtay ayaan wali la xaqiijin magaciisa, waxase la filayaa inaanu ahayn saraakiisha sare, balse uu ahaa fuliyayaasha Weerarrada Qorshaysan.
SDN/QJ
