|

Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saartay Go,aamo Tag-Darro Badani Ka Muuqato Iyo Lacag Aan Dalka Ka Shaqayn Oo Ay Ku Sar-Gaysay In Wax Lagu Kala Iibsado DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Shidaalka dalka Keena ayaa Maanta si wadajir ah u Shaaciyay Go’aamo ay ka gaadheen Qiimo Korodh ku Yimid iibka Shiidaalka dhawrkii Cisho ee la Soo dhaafay.

Wasiirka wasaarada Horumarinka Ganaciga ayaa sheegay maanta mar uu xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa,id in qiimaha shidaalka oo kor u kacay ay wax ka badal ku sameeyeen waxaanu sheegay in Litirka Baatroolka ah oo Hore u ahaa 8500 oo shilinka Somaliland ah maanta laga bilaabo lagu kala iibsan karro 8200 oo shillin, waxaana taasi ay muujinaysaa in xukumaddu ay wax badan moogtahay oo aanay ogayn in wakhti xaadirkan la isticmaalin oo aanad suuqyada sarifka iyo bulshada toona ku arkayn Noodhka  1000 shilin taasina ay keenayso in qiimihii halkiisii taagan yahay oo aan waxba laga badalin.

Comments are closed