Muqdisho 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howlgalkii ciidanka dowladda iyo AMISOM ay maanta kula wareegeen gacan ku haynta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ra’iisall wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa guul weyn ku tilmaamay in Baraawe ay soo gashay gacanta dowladda.
Cabdiwali ayaa xusay in howl galladu ay sii soconayaan inta dalka laga nadiifinayo malleeshiyada Al-Shabaab, ciidammaduna ay ku wajahan yihiin magaalooyin ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan malleshiyada Al-Sahaab ee ay ugala waregeen inta badan magaalooyinkii ay uga sugnaayeen dalka.
Magaalada Baraawe oo dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ku jirtay gacanta malleeshiyada Al-Sahabaab ayaa waxaa maanta dagaal kula wareegay ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is bahaysanaya.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
