Uncategorized

Xukuumada Somalia oo Shaacisay inay ku hawlan tahay Isbedel dhinac dhaqaalaha ah

Muqdisho 08.Nov 2013(SDN)- Wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inuu jiro isbeddel dhinaca dhaqaalaha ah oo ay dowladda sameysay.

Maxamuud-Xasan-Saleebaan-300x200Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa  sheegay in 6 milyan oo doollar ay bishii soo gasho qasnadda dowladda.

Wuxuu xusay in 11 bil ka hor ay qasnadda dowladda soo gali jirtay labo milyan iyo laba boqol oo kun oo doollar, taasoo aad uga yar dakhliga hadda soo gala dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ah muddada ay dhisnayd ay ku dadaashay tayeynta hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan kuwa lacagta.

Wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dakhliga dowladda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com