Hargaysa 19.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in aad dalka la keeni karin kaluunka dibada laga soo dejiyo, talaabadaas oo lagu tilmaamay mid muhiimad weyn u leh kaluumaysatada wadaniga ah, shaqo abuur badana ka soo bixi doono, waxana wasaaraddu ugu baaqday Kaluumaysatada reer Somaliland inay buuxiyaan kaalintii uu ku jiray kaluunka ganacsi ahaanta lagu soo gelin jiray Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cali Jaamac Bureed oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa Sharaxay Kormeer uu ku soo Maray Xeebta Galbeedka Somaliland taas oo uu xusay inuu ugu Kuurgalayay Sidii uu Xog dhamaystiran uga heli lahaa baahiyaha haysta Kalluumaysatada waxaanu intaas ku daray inay Wasaaradiisu intii awoodu u saamaxdo ay taageero u fidin doonto Kalluumaysatada Waddaniga ah.
Wasiir Bureed Waxaa kale oo uu Xusay in Todobaadka soo socda uu Hawlo Shaqo u tegi doono Xeebaha dhinaca Bari ee Somaliland Sida deegaanka Laasqoray.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
