Uncategorized

Xukuumada Somaliland oo Deyr Siyaasadeed oo ay jebisay iminka ka Shaleyday

Hargeysa May 07,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa siyaasadaha dalka ay ka hirgelisay ay ugu mudan tahay in laga hadlo siyaasadeeda ku wejahan Soomaaliya ayaa dib u gurasho ka muujineysa sharciyeenta ka qeybgalka shirarka Soomaalida.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Gollaha Wakiilada horgeeyay jebinta xeer ummadu isaga moostay mudo labaatan sano ah ku milinka xaalada Murugsan ee Soomaaliya.

Mudo laba bilood ka yar ayay xukuumada Siilaanyo ku dareentay halista uu sharcigaasi u leeyahay jiritaanka Somaliland.

Xukuumada ayaa moodeysay in dabarka oo ay iska debciso in ay iyada uun ay u dan tahay ayaa haatan dareentay in xaalku yahay Jaantaa rogan.

Xukuumada ayaa wada dedaal ay ku hor joogsaneyso odey dhaqameedka Somaliland ee looga gacan haatinayo shirka Muqdisho.

Xukuumadu waxa ay iska soo daba saareysay hanjebaadyo ay u jeedineyso ashqaasta ka faaideysanaya shuruucda dalka ee ay xukuumadu u badheedhtay jebintooda.

Si kasataba ha ahaatee waxa shirka Muqdisho ee lagu ansixinayo Dastuurka Soomaaliya uu noqon doonaa mid muujiya khatarta ka dhalan karta shuruucda dalka ee ay xukuumadu ku tumatay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com