|

Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland oo warar is-khilaafsan siiyay Beesha Caalamka

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta la hadlay badi daneeyayaasha dawladnimada Somaliland oo ah saaxiibada Somaliland ka teegeera dimuqraadiyadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Muuse Biixi wuxuu habka fogaan araga kula hadlay diblomaasiyiintan:

1. Safiirka EU Tiina Intelmann, 2. Danjiraha Finland Pirkka Tapiola, 3. Danjiraha Faransiiska Aline Kuster Menager, 4. Danjiraha Sweden Per Lindgarde, 5. Safaaradda Maraykanka – Carla Benini, Chargé d’affaires, 6. Safaaradda Norway – Haakon Svane, Chargé d’affaires, 7. Safaaradda Jarmalka – Sascha Kienzle, Safiir ku xigeen, 8. Safaaradda Holland  – Laurie Visser, 9. Xafiiska UK Hargeysa – Lizzie Walker, 10. Safaaradda Denmark – Mathias Kjaer, Head of Danida Office Hargeisa iyo 11.Safaaradda Canada, Robert Bunbury.

Biixi waxa uu u sheegay Beesha Caalamka:

1- In Tallabooyin muhiim ah loo qaaday xagga hir gelinta Arrimaha doorashooyinka

2- In Arrinta Ururrada ay Maxkamadda sare furistooda go’aamisay, Mucaaradkuna soo dhaweeyeen.

3- In Komishankii hore iskood isu casileen

4- In Komishan cusub la dhisay, oo qaarkood la ansixiyey.

5- In Saddex xubnood ee maqan dhawaan la dhamaystirayo oo golaha loo gudbinayo.

6- In Komishanka cusub marka la dhamaystiro, ay dejin doonaan soona bandhigi doonaan Jawdalka iyo qorshaha lagu hir gelinayo doorashoòyinka.

Dhanka kale, Xisbiga UCID madaxdiisa oo Nairobi ku sugan waxay u sheegeen Beesha Caalamka in Muuse Biixi aanu diyaar u ahayn doorasho, halka saraakiisha xisbiga Waddani ay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ay Washington kula kulmeen una sheegeen in madaxweynaha Somaliland uu halis ku yahay nabadda gobolka.

Comments are closed