|

ICG oo dawlada Soomaaliya ugu baaqday in ay wadahadal la gashao Al Shabaab

Muqdisho(QJ) Hay’adda xasaradaha caalamka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa warbixin ay soo saartay ku soo jeedisay in dagaalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab wadahadal lagu xallin karo.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda ICG ayey ku sheegtay in dagaalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ka dhasheen uun dhibaatooyin badan, waxa ayna hay’adda soo jeedisay in markan xalka dagaalka loo bedelo wadahadal.

Hay’adda ICG ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ugu baaqday in uu wadahadal la galo Al Shabaab, waxa ayna ku boorisay in uu tijaabiyo in wadahadal lala furi karo kooxda Al Shabaab.

Warbixinta ay soo saartay ICG ayaa lagu sheegay in Al Shabaab xilligan milatari qura aan looga adkaan karin, waxa ayna ku talisay in la raadiyo waddo kale oo kooxdan dagaalkeeda lagu soo afjari karo.

ICG ayaa xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu hore u ballanqaaday dib u heshiisiin , su’aal galisay suurto galnimada in dib u heshiisiintaasi Al Shabaab laga qeyb galin karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaase sheegay in ay marka hore la gali doonaan dagaal si loo lagu dhimo awwoodooda Shabaabka ka hor inta aan wadahadal lala furin kooxdaasi.

Mahad Karatay oo ah hogaamiye ku-xigeenka Al Shabaab oo dhawaan la hadlay Chanell 4 ayaadhankiisa dhawwaan cadeeyay in aysan marnaba wadahadal la geli doonin dowladda Soomaaliya uu sheegay in aysan ku dhaqmeyn shareecada Islaamka.

Comments are closed