|

Xukuumadda Muuse Biixi oo la ogaaday laaluush ay siiso xildhibaanada UK

Hargeysa. 1 November, 2022. (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa la ogaaday in ay lacago kumanaan doollar ah siiso xildhibaanada waddanka Ingiriiska, iyadoo doonaysa in galaangal ay ka hesho Ingiriiska.

Xeerarka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa dhigaya in ay mamnuuc tahay lacagaha dawladaha qalaad ay ka qaataan dadka haya xilalka dadweynaha.

Wakaalada Wararka Maraykanka ee AP iyo wargeyska Ingiriiska kasoo baxa er Guardian ayaa labaduba daabacay warka sheegaya in Maraykanku uu ogaaday laaluushka sharci darada ah ee Muuse Biixi uu siiyay xildhibaanada UK, taas oo la ogaysiiyay xildhibaanadii waday iskashiga Somaliland iyo Maraykanka iyadoo iyaguna ay imika dib uga fadhiisanayaan arintaas.

Waxa xusid mudan, in shacabka Somaliland ay gaajo u dhimanayaan iyadoo Muuse Biixi uu laluush kumanaan doollar ah u qaybinayo masuuliyiin ajaanib ah.

Comments are closed