|

Muuse Biixi oo doonaya in uu majare-habaabiyo Beesha Caalamka

Hargeysa. 31 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa damacsan qorshe kale oo ballaadhan oo uu doonayo in uu ku majare habaabiyo Beesha Caalamka oo la filayo in todobaadkan ay Somaliland yimaadaan, isagoo ku qaldaya doorashooyin uu balan qaadayo sidii horeba u dhacday.

Muuse Biixi ayaa doonaya in uu yidhaahdo labada doorasho Waxaan qabanayaa sanadka danbe ee 2023 iyada oo hore loo ogaa balan qaadkiisii beenoobay ee doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaan wakhtigan kalsooni ku qabin Muuse Biixi marka la eego balan qaadkiisii ahaa Doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda ku qabsoonta, taas oo aan fulin, isagoo mar kasta kusoo celcelin jiray.

Shalay ayay ahayd markii war madaxtooyada kasoo baxay lagu sheegay in labada doorasho la qabanayo sanadka 2023.

Madaxweynaha waxa laga rabaa in uu cadeeyo mawqifkiisa muddo kordhinta isagoo weli ku taagan arinta la isku haysto ee doorashada ururada oo soo horaysa.

Comments are closed