Muqdisho April 08 2013 (SDN)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Gobalada dalka Soomaaliya ka hirgelinayso adeegyo caafimaad oo ay helaan dhamaan shacabka ku nool Gobalada dalka.
Wafdiga ka socda Wasaarada adeega Bulshada ayaa gaaray Gobalka Galgaduud halkaasi oo ay ka wadaan ukuurgalka dhanka caafimaadka iyo baahiyaha arimaha Bulshada hoos yimaada.
Maryan Qaasim Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ujeedka guud uu yahay sidii qof waliba oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu ku heli lahaa adeeg caafimaad oo deegaankaasi uu ku helo taasina la gaari doono.
Inta badan Bulshada Soomaaliyeed ayaan helin adeeg caafimaad oo dhameestiran maadaama dalka muddo uu dhibaato kusoo jiray iminkana laga baxay,balse adeegyada caafimadka aan weli waxba laga qaban.
