Uncategorized

Kuuriyada Waqooyi oo markii 4aad Diyaarineysa Tijaabo Nugleer

Seol April 08 2013 (SDN)– Sarkiil ka tirsan Xukuumada Seol ee Koofurta ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay diyaarineyso markii Afaraad Tijaabo Nugleer oo ay sameyso taasi oo sare u sii qaadeysa xiisada hada ka taagan Gacanka Kuuriya.

Wargeys ka soo baxay K/koofuree oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ah ayaa sheegay in Xukuumadda Piyoungyan ay wado qorshe ay ku sameyno markii 4aad Tijaabo Nugleer oo sareeysa kuwii hore ee ay sameysay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa 12-bishii February waxa ay sameysay tijaabo Nugleer oo guuleystay taasi oo aheyd midii sadaxaad.

Dowladdaha caalamka ayaa dhamaan tood isku raacay in la sii adkeeyo cuna qabateynta saraan Kuuriyada Waqooyi si ay u joojiso sameysashada hub nugleer ah laakiin xukuumada Piyoungyan arrintaas waxba uma dhimin.

Dowlada China oo ah saaxiibka ugu weyn ee Dhaqaalaha iyo Diblomasiyada ayaa sheegtay in aan loo baahneyn in dalkii danihiisa waaya uu ku duulo wadamada aduunyada oo ay u lajeedaan Maraykanka.

SDN-Seol