|

Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Doorashadu Ay Dib U Dhacayso

SHARMA'ARKE

Muqdisho, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in muddo labo bilood ah lagu kordhinaayo waqtigii la filaayay inay dalka ka dhacdo Doorashada.

Sharmaake ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in muddo laba bilood ah la siiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya si buu yiri ay u sameeyaan olole.

Xilliga Doorashada lagu madalsanaa dalka inay ka dhacdo waxa ay aheyd Bisha September ee sanadkaan, balse sida muuqata Dabayaaqada sanadkaan ayeey dhaceysaa Doorashada.

“Waxa ay ila tahay hadii Baarlamaanka si dhaqsi leh u guda galo arintaan, hadii ay taasi dhacdo waxaan rajeynayaa in si dhaqse ah ku guda galo doorashada waqtigeeda waa ku dadaaleynaa in aan isla waqtiga ku saleyno, hadii ay dhacdo iyadoo la shaqeynaayo farsamo ahaan wax yar ku darsoomaan muhiim waxaa ah in aan waqti iska qaadin, waa jirtaa aniga iyo Guddoonka inaan ka wada hadalnay in labo bil la siiyo Xildhibaanada si ay olole u sameeyaan, qadarin weyn ayaa siineynaa hadii dib u dhacno wax badan dib uma dhici doono 2016 gudaheed ayay doorashada ku dhaceysaa.”Ayuu yiri

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Lama oga sida Maamul Goboledyada dalka ka jira ay ku aqbali doonaan arinta ku aadan in Doorashada dalka muddo labo bilood ah lagu daro.

Baarlamaanka Somaliya ayaa ku mashquulsan ansixinta Shuruuc aanan hada muhiim ah, iyadoo ay yaalaan arimaha ku aadan Dib u eegista Dastuurka iyo Sharciyada ku aadan Doorashooyinka dalka.

Source: Universal tv

Comments are closed