|

“Xukuumadu Ma Qaadin Talaabadii Loo Baahna Ee Dagaalka Ceel Af Weyn” Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Saraakiisha xisbiga Waddani ayaa Maanta waxa uu ayaan daro ku tilmaamay fulin la’aanta Heshiis ay Xukuumadii hore ee Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland kala dhex dhigtay labada ardaa ee Shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag.

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sheegay in dhawaqyada hada ka soo baxaya xukuumadu uu yahay Baaq ku socda labada dhinaca ee dirrirtu dhex martay waxaanu xusay inay xukuumada la qumanayd fulinta heshiiskii ay labadan beelood hore u kala saxeexdeen Isla markaana la qaato go’aamo adag oo ku wajahan cida Jebisay heshiiskaas.

Xuseen axmed caydiid waxa uu sheegay in fulin la’aanta Heshiiskaasi uu keeni karo hoos u dhac ku yimaada kalsoonidii lagu qabay Xukuumada talada haysa.

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Waxa uu Dhaliilay Wasiirka arrimaha Gudaha oo uu Sheegay inay Waajib ku ahayd inuu tago goobta ay dhibaatadu ka dhacday waxaanu intaas ku daray kuna celceliyey in loo baahan yahay sidii loo fulin lahaa heshiiskii dhex maray labadan ardaa.

Dhanka Kale Xuseen Axmed Caydiid Waxa uu ka hadlay hadalkii uu dhawaan sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Ku saabsanaa in Xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Xisbiga Waddani inaanu Sidii la filayay ahayn Waxaanu xusay in Markii ay Kulmeen Hogaanka Xisbiga Iyo Madaxweynuhu ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka balse ay ku balameen Talaabooyin uu Madaxweynuhu sheegay inuu qaadayo Isla markaana uu ku soo wargalinayo Xisbiga Waddani waxaanu intaas ku daray inaanu Jirin war danbe oo ilaa hada kaga soo noqday dhanka Madaxweynaha oo ku saabsan arrimihii ay ka wada hadleen kana balameen.

Xuseen Axmed Caydiid waxa uu intaas raaciyey arrimaha qaranka oo Xisbigoodu hore ugu Cadeeyay Madaxweynaha inay Kaalintooda ka gudanayaan in aanay Jirin wax dhankooda ku baaqday isla markaana aanu Madaxweynuhu wax talo ah weydiin Xisbi ahaan oo ay ka baaqdeen.

Comments are closed