Hargaysa 07.April (SDN) Maalinta Caafimaadka adduunka oo ku began 7 bisha April ayaa maanta laga xusay guud ahaan Somaliland, iyadoo ay munaasabada xuska ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda.
Munaasabadda xuska oo lagu qabtay xarunta wasaradda caafimaadka ee caasimadda Hargaysa ayaa Waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), Madaxa WHO ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan, hawlwadeenada caafimaadka ee heer Qaran iyo xubno ka socday Hay’adda Health Poverty Action HPA.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Md Cabdi Axmed Nuur oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in xuska sanadkan loo calaamadiyey wax ka qabashada cudurka Dhiig-karka, kaasoo faro baas ku haya bulshada caalamka.
Marwo Aasiya Cismaan Madaxa xafiiska WHO ee Somaliland oo iyana xuska maalinta caafimaadka adduunka ka hadashay ayaa kula dardaarantay ka qayb galayaashii xafladdaasi inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta lagaga hortegayo cudurka dhiig karka.
Marwo Nimco Xuseen Qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo iyana munaasabadaasi hadal kooban ka jeedisay munaasabadda maalinta caafimaadka adduunka awgeed waxa ayaa hambalyo u dirtay bahda caafimaadka ee Somaliland.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com
