Uncategorized

Al-shabaab Oo Ku Gooddiday Inay Weerarro Ka Geysan Doonaan Gudaha Dalka Faransiiska

Muqdisho:Jan,22,2015(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay kaga hadleen dhaqanka dhawaanahan Wargeyska Charlie Habdo uu ku aflegaadaynayey Nebi Muxamed N.N.K.H, waxana ay ku hanjabeen inay weerarro jawaab u ah ka geysan doonaan Dalalka Arrimahaas caanka ku ah.

nayeMaleeshiyada ayaa Hanjabaadani ku sheegay inay uga jawaabi doonaan aflagaadada uu Wargeyska Charlie Hebdo u geystay Nabi Muxamed.

Warkani ayaa waxa ay Maleeshiyadu ku sheegtay warsaxaafadeed ay maanta soo saartay, waxa ayna sheegen in talaabo lid ku ah Aflagaadadaasi ay ku qaadi doonaan Goobaha ugu muhiimsan oo ay ku nastaan Madaxda iyo Saraakiisha Dalka Faransiis-ka sida lagu qeexay Warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayay ku sheegen in Dowlada Faransiiska ay ilowday Caqabadaha ka dhalankara Aflagaadada ay u geesteen Nabi Muxamed, balse ay ka dareemi doonaan dalkooda, sida lagu sheegay war kasoo baxay Maleeshiyada.

Nuqul kamid ah qoraalka ay soo saartay Maleeshiyada ayaa u qornaa”Waxaan halkani Umadda Muslimka ahi uga direynaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan hawlgalkii halyeynimo ee dhawaan bartilmaameedsaday Magaalada Paris, gaar ahaan Xarunta Jariidadda “Charlie Hebdo”, jariidadaas oo saxafiyiinteedu ay meel ka dhacyo xun u geysteen Khaatamu –Russul, ahna Sayidkii Anbiyada, waa nabigeena Muxammad oo in badan ay gacmahooda Najaasta ahi sawireen muuqaallo ay ugu gafayaan Cirdigiisa, oo meel ay kaga dhacayaan sharafkiisa waxaa nagu waajib ah inaan ka bixino Jawaab adag”

Sidoo kale, Nuqul kaasi lamid ah ayaa u qornaa “Waxaan kaga digeynaa Faransiiska iyo kuwa la midka ah caaqibada ay ka dhaxli doonaan dagaalka ay kula jiraan Islaamka iyo dulmiga iyo gobad-fallada ay kula kacayaan Muslimiinta.” Ayey tidhi Al Shabaab.

Maleeshiyada Al Shabaab waxay cadeysay inay diyaariyeen Dagaalyahano weeraro isugu jira Ismiidaamin iyo mid fool ka fool ah ka geysto Magaalada Paris.

Dhanka kale, Ciidamada Faransiiska ayaa dhankooda ka muujinaayo feejignaan ay uga hortagayaan Kooxaha xagjirka ah ee weerarada amni daro ka wada gudaha iyo daafaha dalkeeda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com