Uncategorized

Yaa ku haboon Musharax-Madaxweyne ? Si nidaamka dawladnimo wax looga bedelo waxaa loo baahan yahay Hogaamiye caqliga ka cokan

Isbedelka Dawladeed  maaha oo keliya in Madaxweyne Madaxweyne kale lagu bedelo ee waa in nidaamkan habacsan ee dawladnimo wax laga bedelaa oo la doorta madaxweyne caqliga ka cokan kaas oo dhug iyo waayo-aragnimo uleh habka maamul dawladeed loo unko, loo falkiyo loona curiyo maamul wanaag ( good goverance), Hogaamin hagaagsan ( leadership), aftahanimo (eloquence ) iyo soo jiidasho shacab-weyne  (charismatic ). taas oo shacabka reer Somaliland ay ka filanayeen Madaxweyne Siilaanyo laakiin ay ku hungoobeen kadib markii uu xaalkiisii uu ku soo ururay Gudi-baan usaarey,Himbiriirsi, dhafan-dhaaf, dhalaan  habaabis iyo dawakhaad iyo dayaw baahsan.
Hadii uu Musharax madaxweyne yahay, ku xigeen yahay ama xildhibaano danbe oo la dooranaayo yihiin shacabku uma baahna balanqaad danbe oo baf-baf iyo buug-yare cagaaran ku xardhan, oo marka lagu muraad qumisto ee kursiga lagu fuulo xaga danbe laga tuuro,uma baahna hawaawi iyo hadalo aan hilaabneyn oo aan hano qaad aheyn iyo buuftan iyo boolo xoofto badan oo afka baarkiisa ah ee waxay ubaahan yihiin waxqabad buuxa oo kontoraat ah oo saxeexan oo damaanad qaad leh, tuseyaal leh, tis-qaad leh oo taarget leh  ( indicators ) hoga-tusaaleyn iyo halbeeg lagu cabiro leh ( quality insurance ) ku waas kala hore iyo horjooge leh, ka dibna aynu ku bedelano codkeena, farteena iyo foodkeena, waa goorma? waa  markeynu xaqiiqsano in ay ku socondoonaan sidii loogu talo galey. Shacabka reer S/land uma baahna Baar-qabyo, Ban ka qooq iyo Kur-ka nool khashaafadaha warbaahinta la iska arko iyo ta leyska maqlo la soo kuurura hadalo iyo hawraar aan marimneyn oo aan milge iyo macne badan laheyn. uma baahna xil ka-dege xurmeysan oo hadba mushar u soo xaadira, uma baahna xigto maal iyo  xidid maal xabkeysi ku nool, uma baahna degley iyo dabatooyin dantooda raacda, uma  baahna dhaameelyahano duu-duub xeer kasta ku ansixiya, uma baahna Kooxdan yar ee daneysatada ah ee aan dal iyo dad midna danta ka laheyn ee shacabkii ay niyad jabka iyo quusta ka qaadeen.uma baahna kuwa tuurta iyo tarbiicada yar  isu yeela ee baadi soocda aaminsan, uma baahna dulin danbe iyo diir baas kale oo inagu degta oo hadana inagu dilaacda oo dam inaga siiya. Hadaba maxeynu ubaahanahay?
Waxa aynu ubaahan nahay hogaamiyeyaal mideeyeyaal ah, Jiheeyeyaal ah, Jideeyeyaal ah oo leh karti, hufnaan iyo waxqabad siyaasadeed oo dhow iyo mid dheer ( visionary )
Waxaynu ubaahanahay Hogaamiyeyaal leh aqoon buuxda oo muujin kara wax qabad mug leh iyo firfircooni, waxaynu ubaahanahay Hogaamiyaal leh curin iyo hal-abuur , orodorosyo iyo aragti fog oo cokan. Waxa aynu ubaahanahay Hogaamiye buuxin kara oo bishili kara ujeedooyin huwan dherer,dhumuc, naq iyo nuxur lagu guuro oo lagu doogsado laguna diirsan karo si loo dhogor dhacsado. Waxa aynu ubaahanahay in aynu musharaxiinta ku sameyno oo ku saleyno qiimeyn mug leh oo dhab ah oo ku qotonta cilmigooda,cimrigooda, aqoontooda, garaadkooda iyo garashadooda iyada oo lagu aroorinaayo tixraaca taariikh nolol-leedkooda iyo waxqabadkooda. Waxa aynu ubaahanahay Hogaamiyaal liqsiiya oo ku xasiliya shacabka JSL barnaamijyada siyaasadeed ee ay odorosayaan in ay wadanka ku maamulaan ee ay codka iyo cuudkaba shacabka kaga doonayaan ee ay kaga iibsanayaan.
 Bal hada eega majare habaabka mudnaantii kobaad iyo masiirkii ummadda oo la baalmaraayo taas oo ictiraafkii lagu taami jirey uu hada iska noqdey hadaaq iyo hawaawi.. Waxay aheyd in ay caqliga iyo aqoonta muwaadinka ay dhisaan intaaney dhisin dhaystooda iyo dhagxaanta ay dhigayaan degmooyinka ee aan dhameystirka laheyn, waxay aheyd in ay isxisaabiyaan oo ay xiliibnaan iyo xisaabtan la yimaadaan oo ay shacabka ka dhisaan aqoonta oo ah aasaaska nolosha ummaddu ku gaadho himilooyinka iyo higsiga nololeed ee ay ku hamiyayaan. Danta guud ee qaranku waxay ku jirtaa in xal laraadiyo oo wadanka laga badbaadiyo kooxdan yar ee habaqleysiga iyo hormo-qamaamka ka bixi la’ ee hantidii ummada baahan ka yeelay Midigeys,Odeys iyo Irbad iyo gawn ay ku hayaan qadhiidhka qudh-qudho joogto ah.
Gobanimo Dadkaa Mudan!
Galadana Allaa iska leh!
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
UK