Uncategorized

Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia oo Beri Baarlamanka u qaadi doonaan Codka Kalsoonida.

Muqdisho 23.Dec 2014 (SDN/QJ)- Kulan ay maanta yeesheen Guddiyadda joogtadda Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu go’aamiyay in beri Baarlamanka uu hor-yimaado Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, si codka Kalsoonida loogu qaado Xukuumadda uu soo dhisayo.

sharmaCumar Cabdirashiid ayaa 18-kii bishan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Raysal-wasaaraha Soomaaliya ee badalaya Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhawaan ay Xukuumaddiisa uu Kalsoonida kala noqday Baarlamanka Somaliya.

Xoghayaha Baarlamaanka Somaliya Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Magaaladda Muqdisho kulankan kaddib ayaa sheegay inuu maalinta berri ah hor-imaanayo golaha Baarlamaanka Soomaaliya Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid, isaga oo tilmaamay in uu Kalsoonidda ku weydiisanayo Xildhibaannada.

“Berri oo Arbaca ah ayaa la go’aamiyay in uu Baarlamaanka hor-yimaado Raysal-wasaare Sharmaarke si codka kalsoonida ah ay Xildhibaannadu ugu qaadaan.” ayuu yidhi Mr. Buux.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan go’aanka Guddoonka baarlamanka ee ah in uu berri hor-yimaado si codka kalsoonida loogu qaado.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com