|

Zakariye Ismaaciil Oo Bixiyey Xogo Lagu Soo Qaban Karo Carmalida Cad Oo Reer Galbeedku Ku Dawakheen Iyo Hawlgalkii Oo La Diyaariyey

Muqdisho:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Zakariye Ismaaciil Xersi oo dhowaan isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay inuu inuu Gacan ka Geysan Doono Soo Qabashada Samantha Lewthawite oo ah Carmali uu hore uqabi jirey Nin  ka tirsanaa afar Qof oo isku qarxiyey Gudaha Dalka Ingiriska Sanadkii 2005-tii.

zakiyrCiidamada Gaarka ah ee Dalka Ingiriiska ka jooga Somalia iyo Qaar tababar sare qaba oo soomaali ah, ayaa la sheegay inay Hawgalkaas Fulin doonaan, iyadoo Zakariyena uu qaybtiisa qaadan Doono, maadaama xogaha Ninkani Bixiyey Muuinayaan inay Haweenaydani ku dhuumaalaysanayo Gudaha Somalia.

Xogta lagu soo qabanayo haweeneydan ayaa waxaa la leeyahay waxaa laga helay Zakariye, iyada oo la sheegay in ay tahay mid looga qaateen ah, waxaana waaxda sirdoonka Ingiriiska ay sheegeen in xogtan ay xagooda uga dhigan tahay mid muhiim ah, marka loo eego baadi goobka loogu jiro in la soo xidho haweeneyda.

“Tallaabo kasta oo suurtagelin karta soo qabashadeeda waa in si taxadar leh loo qaadaa, waxaa la rumeysan yahay in ay ku gadaaman yihiin ciidamo tababar xoogan haysta,  oo ay ku jiraan kuwa ismiidaamiya” sidaa waxaa sheegay sarkaal ka mid ah sirdoonka Ingiriiska.

Zakariye Ismaaciil ayaa noqonaya masúulkii ugu sarreeyey ee ka soo goosta Xarakada Alshabaab, waxaanna hore uu uga mid ahaa madax ka tirsan Alshabaab oo ciddii fududeysa in la soo qabto ama la dilo abaalgud ahaan loo siinayo lacag gaadheysa 3 Milyan oo Dollar, waxaanna uu iska soo dhiibay Magaalada Gedo ee ku taal Koofurta dalka somalia.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in gabadhan la baadi goobayo ay u gashay kooxda Alshabaab wixii ka dambeeyey qaraxii ka  dhacay London, waxaana ay sheegeen bileyska caalamiga ah ee Interpol  inay ka codsadeen Dowladda Kenya in ay gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa haweeneydaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed