|

Guddoomiye-ku-xigeenkii Degmada Buurdhuubo Oo Toogasho ay Ciidanka Dawladda Ku Dileen Iyo Sababta Dilkiisa Oo La Shaaciyey

Buurdhuubo:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Shalay Gelinki dambe ayey ciidamo cadhaysan oo katirsan Kuwa Dawladdu toogasho ku dileen Guddoomiye-ku-xigeenkii  Degmada Buurdhuubo Cali Mataan Cali, kadib markii ay rasaas oodda kagaga qaadeen gaadhigii uu saarnaa.

buurdhuuCiidamada Dilay oo ahaa kuwa Militeriga, ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen mushahar la sheegayo inuu Guddoomiye-ku-xigeenkaas la dilay ka Musuqmaasuqay, taas oo keenta inay toogtaan.

Wararka waxay intaa ku darayaan in dilka ninkaasi loo soo qab qabtay tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda, waxaya  ku xidhan yihiin xabsi ku yaala Degmadaasi.

Ciidamada Militariga ee Degmada Buurdhuubo ku sugan, ayaa waxay ku sugan yihiin xaalad adag, iyadoo weeraro joogto ay kala kulmayaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xooga Dalka oo gacan ka helaaya Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa 9-kii bishii March ee sanadkii hore la wareegay gacan ku haynta Degmadaasi, ka dib dagaal culus oo ay duleedyada Degmadaasi kula galeen Shabaabka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed