Nuxurka heshiis ay wada galeen urur-siyaasadeedka Wadani iyo ururkii dhacay ee Badbaado
Hargeysa 12, May 2012 (Qurbejoog.com)- Urur-siyaasadeedkii tartanka ururada ku hadhay ee Badbaado, ayaa maanta shaaciyay inuu si rasmi ah ugu biiray urur-siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah 6-da urur ee soo baxay. Munaasib loo sameeyay midowga Wadani iyo Badbaado oo maanta lagu qabtay hotelka Ambassador, waxa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna guddoomiyaha ururka Wadani…
