Dawladda Ingiriiska oo sheegtay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Daakhiliga ku dhiirigelisay inay Doorashada Golaha Deegaanku noqoto Xor iyo Xalaal
Hargeysa November 23, 2012 (SDN)- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Gudaha kula dardaarmeen in doorashooyinka deegaanku si xor iyo xalaal u dhacaan, oo aanay natiijadu noqonin mid lagu murmo. Baarlamaanka Ingiriiska oo Salaasadii toddobaadkan su’aalo weydiiyey xukuumada ayey ku cadeeyeen in taageero dhinacyo badan leh Ingiriiska iyo lix…
