Kormeer ay Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ku Soo Sameeyeen Hay’adaha Dakhli ee Magaalada Berbera DAAWO

    Berbera 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Gudi hoosaadka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa  Kormeer Shaqo ku tegay Magaalada Berbera isla markaana soo Kormeeray Hay’adaha Dekhli soo saar ee Magaalada Berbera. Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Kormeer ku soo marayay hay’adaha Dakhli Soo Saar taas oo qayb ka ah Xog ogaal…

    Read More

      “Waxaa Maanta Bilow ah Khilaaf Cusub oo Akaademiyada Nabadu Samaysay oo Laga Yaabo inuu Ka Xumaado Kii aynu Ka Soo Baxnay” Cali Guray DAAWO

      Hargaysa 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ku Eedeeyay Akaademiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland inay dalka u horseedayaan Khilaaf ka Culus Kuwii Somaliland Soo Maray Waxaanu Sheegay inaan Akaademiyadu dhex ka ahayn Siyaasada Axsaabta Somaliland. Mudane Cali Guray ayaa hadalkan ka Jeediyay Kulan ay…

      Read More

        Walaac Hor leh oo la soo dersaya dadka Isticimaala Facebook oo Lacag laga Dhigayo Bisha November ee Sannadkan

        Washington 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shir jaraa’id oo Mulkiilaha shirkadda Facebook ku qabtay dalka Maraykanka, ayuu ku sheegay inay qorsheeyeen in laga bilaabo bisha November ee sanadkan uu qof kasta oo hadda si bilaash ah u adeegsada bar-kulanka Facebook  uu bil kasta bixin doono qadar lacageed oo dhan $3 dollar ama ($ 2.99), “Wakhti dheer oo…

        Read More

          Wasiir Ku Xigeen ka Tirsan dawlada Punt land oo uu Xilkiisii Galaaftay Waraysi uu ku Naqdiyay Axmed Cabdi Xaabsade DAAWO

          Garowe 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Warar  soo galay Magalooyinka Puntland ayaa sheegayay in Shaqo Joojin lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Puntland C/rashiid Gaani Cali halka Warar kalana ay tilmamayan in shaqadiisi gebi ahaan uu ku wayay Waraysi uu bixiyay.   Gaani ayaa ku dhaliilay Waraysi uu siiyay Waarbaahinta Imanshaha Xaabsade ee Puntland…

          Read More

            Daruuro Colaadeed oo Dul Hoganaya Magaalada Gaalkacayo kuwaas oo Salka ku haya Ismaandhaafka Garoomada Diyaaradaha ee Punt land iyo Gal Mudug

            Gaalkacayo 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ee ay maamusho Puntland,ayaan haba yaraatee Shalay  wax diyaarad ahi ka soo deign ka dib markii  is maandhaaf uu dhashay isticmaalka garoon kale oo dhinaca Galmudug  ka aliso ay ka hir galisay koonfurta magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Gaybdiid ,ayaa ku hanjabay in…

            Read More

              Madaxda Wasaaradda Beeraha Somaliland & Hay’ado la Shaqeeya oo soo Kormeeray 8 Iskaashato Beereed iyo Arrimo ay kala hadleen

              Gebilay 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wafti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland Eng; c/laahi Ismaaciil Faarax, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaano beereedyo ka tirsan gobalka Gabiley, ujeedada kormeer wafdiga ayaa la xidhiidhay u kuurgalida iyo xogogaal u noqoshada shaqada 8 iskaashato beereed oo ay si wadajira iska kaashadeen  maalgalinteeda wasaarada beeraha Somaliland iyo…

              Read More

                Guddoomiye ku-xigeenka UCID oo si xun u weeraray Boqor Buur Madoow: KEE BOQOR AH MA BEEN MADOW.?

                Hargeysa Sept 25,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa si ba’an u weerary boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo dhawaan muxaafid noqday. Boqor Muurmadoow oo hore xukuumadu xabsiga u dhigtay ayaa haatan muxaafidnimo qabyaaladeysan ku difaaca xukuumada Axmed Siilaanyo. Cali Gurey ayaa qoraalka uu ku maagay Buurmadoow ku yiri:…

                Read More

                  Dawlada Federaalka ah oo Cadaysay inay Qaramada Midoobay u Gudbisay Dacwada Soohdinta Bada ee Somalia iyo Kenya

                  Muqdisho 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay muranka dhinaca soohdinta badda ah ee kala dhexeeya dowladda Kenya. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id  ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qarammada midoobey hor dhigtay dacwo ku saabsan arrinta, ayna rajaynayso inay…

                  Read More

                    President stresses political progress is central to building a united Somalia in address to High Level Meeting at the United Nations General Assembly

                    24 September, New York, United Nations General Assembly: Today, HE President Hassan Sheikh Mohamud addressed a High Level Meeting on Somalia: “Implementing Vision 2016: Inclusive Politics in Action”, on the margins of the United Nations General Assembly.  The President co-chaired the Meeting with United Nations Secretary-General Ban Ki-moon and the Chair of the African Union…

                    Read More

                      Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

                      Muqdisho, 24, September, 2014(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ka dib markii uu safar shaqo ku tegay waddamada Britain iyo Norway. Xubno ka tirsan golayaasha dawladda, saraakiil dawladeed, ururada bulshada rayidka ah iyo dadweynaha gobolka Banaadir ayaa Ra’iisul…

                      Read More

                        Aas Qaran oo Burco loogu Sameeyay Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Cisbitaalka Burco Marxuun Dr Muruq Liqe,Taariikhda Noloshiisa DAAWO

                        Burco 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta Magaalada Burco aas qaran loogu sameeyay Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Cisbitaalka Burco Marxuun Dr Cabdi Qaadir Xaaji Muuse Muruq liqe. Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda ayaa aaska qaran ka qayb galay . Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Bah’da Caafimaadka…

                        Read More

                          Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku dhaliilay inay Afka ka Xidhatay dhawaq uu Madaxweynaha Somalia ku kala dhantaalay Midnimada Dhuleed ee Somaliland DAAWO

                          Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Hogaanka Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xaruntooda Waxay Si adag uga Jawaabeen Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlada Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo Sheegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin dawlada federaalka ee uu Maamulo Isla markaana uu…

                          Read More

                            Maxay daaranayd Xog Ururin Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyeyaasha oo Akaademigu Sameeyay DAAWO

                            Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Akaademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland ayaa soo bandhigtay Macluumaad Ra’yi uruurin ah oo ay ka soo sameeyeen Gobollada Somalilnad, kaasoo la xidhiidha Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo Diiwaan-gelinta Madaniga ah. Munaasibad si heer-sarre ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Caasimadda Hargaysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Akadamiga Nabadda…

                            Read More

                              Wefti Miisaan leh oo Ka Socda Denmark oo Hargaysa Booqasho ku Yimid iyo Kulan ay Madaxweyne Siilaanyo la Yeesheen DAAWO

                              Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaayo) ayaa maanta  kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda  wefti uu hogaaminayay safiirka dawladda Denmark u fadhiya magaalada Narobi ee dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo socdaal ku yimi dalka.   Kulankan madaxweyne Siilaanyo  uu la yeeshay safiirka Denmark, ayaa waxa ku wahelinayay madaxweyne ku…

                              Read More

                                Xildhibaan Cali-barre Oo Hanti-lunsi Ku Eedeeyey Wasiir Buureed, Kana Hadlay Safarka Suldaan Siciid Ku Joogo Garowe

                                Hargeysa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali-barre oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta markale jawaab kulul Ka Bixiyey Hadallo kasoo yeedhay Wasiirka Kalluumaysiga  Cali Jaamac Buureed, kuwaas oo salka ku hayey Shirkii lagu soo gebogebeeyey Deegaanka Xiingalool ee Gobolka Sanaag. Xildhibaan Cali-barre, ayaa sidoo kale jawaabo ka bixiyey eedo wasiirka masuuliyiin xildhibaanku ka mid  yahay uu ugu jeediyey…

                                Read More

                                  Halkan ka Akhri Qoddobo Hordhac u ah Heshiis Hoose oo Xukuumadda Siilaanyo iyo Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Dhex Maray

                                  Hargeysa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Warar Hoose oo ay Helayso    Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Mujaahid cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo kamid ah madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka uu heshiis hoose dhex maray. Wararku waxa ay intaas ku dareen in heshiisku ka yimi dhinaca xukuumaddda, iyadoo madaxweyne Siilaanyo kooxda ku xeerani ku  qancisay inay mujaahidka ku sandulleeyaan inuu…

                                  Read More

                                    Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Sudan oo Hargaysa ku Sugan kana hadlay aaminsanaanta Qadiyada Somaliland iyo Saamaynta ay Sudan ku leedahay

                                    Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)-Siyaasi reer Sudan ah, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa Sudan ay yaallaan warar badan oo fiican oo ku saabsan Somaliland, isla markaana waddankiisa si weyn looga taageersansan yahay Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka dawladda Sudan Dr. Maxamed Awadallah Bannage…

                                    Read More

                                      Cali Gurey oo ka hadlay heshiiskii axsaabta iyo xukuumada:Maxaa La Isku Hayay Maxaase Lagu Heshiiyay?

                                      Hargeysa Sept 24,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa ka waramay sida uu u arko heshiiskii dhawaanta ay isla qaateen axsaabta mucaaridka iyo xukuumada Somaliland,Qoraal uu arinkaa uga waramay ayuu Cali Gurey ku yiri: Isku soo wada xoori heshiiskii hore ayaa xusayay in “labada diiwaangelinood loo kala qabto si is barbar socoda oo…

                                      Read More