Nin Si Weyn u Hubaysan Oo Afar Kamid ahaa Askarta Maraykanka Qudha Kaga Jaray Magaalada Chattanoga
Chattanoga:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Magaalada Chattanoga ee Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu gelinkii dambe ee maalintii shalay qudha kaga jaray afar kamid ahaa ciidamadda Badda Maraykanka, isla-markaana tiro kale dhaawacyo gaadhsiiyey. Ninkan weerarka gaystay waxaa magaciisa lagu sheegay Mohammad Youssuf Abdulazeez, kaasoo u dhashay dalka Kuwait, laakiin haystay dhalashada dalka…
