KULMIYE “Ma Moodaa inuu Halabsanayo Hillinkii Udub ku Galbaday” Barnaamij Dhinacyo Badan Leh {DHAGAYSO oo Wax Ka Dheh”
Hargaysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye. 24 sanno oo go,doomin ah Somaliland…
