Soomaaliya oo laga cafiyay Deymihii Boostada Aduunka

Berne May 31, 2024 (QJ) -Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali oo ku sugan magaalada Berne ee dalka Switzerland ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mudane Masahiko Metoki xarunta dhexe. Wasiirka ayaa codsaday in laga cafiyo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaareysa ku dhawaad…

Read More

RW Xamza oo kormeeray dhismaha wadada isku xirka Muqdisho iyo Jowhar

Balcad May 30, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay degmada Balcad si uu ugu kuur galo bilowga wajiga saddexaad ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Mar uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay faa’iidada wadadan ayaa ku nuux-nuux saday muhiimada ay u leedahay fududeynta ganacsiga, isu socodka…

Read More

IMF oo dhameystirtay dib u eegista Barnamijka Deyn cafinta Soomaaliya

Nairobi May 30, 2024 (QJ)-Guddiga fulinta ee IMF ayaa soo gabagabeeyay dib u eegistii ugu horreysay ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, iyagoo ansixiyay in si degdeg ah loo bixiyo illaa 10 milyan oo doolar si loogu taageero siyaasadda dhaqaalaha Soomaaliya. Kaalmadan ayaa lagu dari doonaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, iyadoo wadarta guud ee taageerada dhaqaale ee…

Read More

Israeli forces withdraw from Jabalia

Gaza -Photos from central and western Jabalia after the withdrawal of Israeli forces show widespread destruction, with the northern Gaza administration warning residents not to return. The streets in the area are covered in rubble, with most buildings either collapsed or heavily damaged, and the UN HQ and a school that served as a shelter…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka Carabta iyo Shiinaha

Beijing May 29, 2024 (QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya kalfadhiga tobnaad ee shirka heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in uu furmo. 30-ka May. Madashu…

Read More

Safaarada Shiinaha oo ka hadashay Somaliland

Muqdisho May 29, 2024 (QJ)-Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qaybgalka Somaliland ee caleemo-saarka madaxweynaha Taiwan ee 20-kii May. Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in mowqifka Shiinaha uu weli taagan yahay oo ah in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya. “Shiinuhu uma aqoonsana Somaliland dal gaar ah, wuxuuna…

Read More

Soomaaliya oo u jawaabtay Ruto

Muqdisho May 28, 2024 (QJ) -Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal Madaxweynaha Kenya William Ruto dhawaan uu ka sheegay dalka Mareykanka oo ahaa in haddii ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya in kooxda Al-Shabaab ay si fudud ula wareegi karto dalka Soomaaliya. Isagoo ka jawaabaya, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda…

Read More

Puntland oo sheegtay in Ciidamada Federaalka aaney hawlgal ka fulin Carmaloow

Garoowe May 27, 2024 (QJ) -Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax howlgal ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen buuraha Calmadow. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu beeniyay war shalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen mid…

Read More

Wasiirka Caafimaadka oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka

Geneva May 27, 2024 (QJ) -Shirkii 77-aad ee Caafimaadka Adduunka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana Dr. Cali Xaaji Aadam Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loogu doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka. Golahan ayaa sanadkiiba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, isagoo ka hadlaya…

Read More