“Golaha Wakiilada ee hadda jira oo ah 82 Xildhibaan- 55 xubnood waa deegaanka dhexe, halka Gobolada dhinacyadu yihiin 27,Halkaa….” Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Shaqada

Hargaysa  25,March,2016(SDN/QJ):- Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cabdiwaaxid C.qaadir C.raxmaan ayaa Si taxadir leh uga hadlay Saami qaybsiga Kuraasta aqalka Wakiiladda oo Qaar ka Mid ah Gobolada Somaliland Gaar ahaan kuwa Darafyadu ay Saluug ka qabaan. Sida uu ku Sheegay Qoraal kooban oo uu ku faafiyey barta uu…

Read More

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo Garacad Gaadhey iyo Siduu uga Hadlay Hawl-galkii Danab ee u dhexeeyay Alshabaab Iyo Puntland DHAGAYSO

Garacad  25,March,2016(SDN/QJ):-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gaadhay magaala xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo dhoweyeen xubno kamid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidanka oo muddadii dagaalku soconeyey ku sugnaa Deegaankaasi. Madaxweynaha ayaa markii uu gaadhey deegaanka Garacad ayaa waxa uu kulamo xog waraysi ah oo ku saabsan xaaladda guud…

Read More

Maamul Goboleedka Galmudug oo guul ka sheegatay Dagaalkii Shalay dhexmaray Ciidamada Dawlada iyo Al-Shabaab DHAGAYSO

Caddaado 25,March,2016(SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dagaal Shalay dhexmaray ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-Shabaab. Madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan dad ay ku qabteen dagaalkii Shalay kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay inay gaayso 14 qof halka dhimashaduna ay tahay 20.   Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale hanbalyo u…

Read More

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay askaraynta caruurta ay adeegsato al-Shabaab Iyo Dulucda Wada Hadalo u dhexeeya QM Iyo Puntland

Muqdisho, 25 March 2016 (SDN/QJ):- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyay tirada badan ee caruurta ah ee kamid ahaa dagaalyahannada al-Shabaab, kuwaa oo ay soo qabteen xoogagga amniga ee Puntland intii uu socday dagaalki dhowaan ka dhacay qaybtaas ka tirsan Soomaaliya….

Read More

Hargeysa oo laga Xusay Maalinta Qaaxada Adduunka iyo Nuxurka Khudbaddii Wasiirka Caafimaadku ka jeediyay DAAWO

Hargaysa 25,March,2016(SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey xuska maalinta Qaaxada Adduunka oo ku beegnayd Maalintii Shalay oo Taariikhdu ahayd 24 March waxa uu kaga hadlay kaalinta wasaaradiisu ka qaadatay la dagaalanka cudurka Qaaxada iyo xarumaha cusub ee daaweynta ee laga furay gobolada iyo degmooyinka…

Read More

Taageerayaal Reer Burco ah oo kusoo biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid

Burco  25,March,2016(SDN/QJ):-XisbigaMucaaridka Ucid ayaa  Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Uu Ku Soo Dhaweenayo Taageerayaal kusoo Biiray Xisbigaas. Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha baaxadd leh ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa Xisbigu ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Xisbigaasi ku soo biiray . Waxaana Munaasibaddani ay…

Read More

 Xuutiyiinta Yemen iyo Isbaheysiga Sucuudiga oo Wada Gaadhay Heshiis Xabad joojin ah

Sanca 25,March,2016(SDN/QJ):-Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ee ka dagaalamaya Waddanka Yemen iyo Dowladda Sacuudiga, ayaa la sheegay in wada hadal horudhac ah oo ay yeesheen ku heshiiyeen in xabad joojin laga dhaqan geliyo dagaalka ka socda Waddanka Yemen. Xabad joojintan ayaa lagu wadaa inay bilaabanto 10ka bisha soo socota ee April, waxaana sidoo kale xigi…

Read More

Dawladaha Yurub oo ka Arrinsanaya Argagixisada, Ka dib Weerarkii Daacish ku qaadday Brussels

Brussels 25,March,2016(SDN/QJ):- Kadib weerarkii Brussels, Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Cadaaladda ee Waddamada Yurub ayaa shir deg deg ah ku qabanaya Magaalada Brussels. Waxay ka hadli doonaan sidii looga hortagi lahaa khatarta ka imaanaysa Kooxaha ay ugu yeedhaan Argagixisada iyo sidii looga hirgalin lahaa sharciyadda Argagixisada dhammaan Midowga Yurub. Waraysi uu siiyay BBC Agaasimaha Booliiska Yurub…

Read More

Somaliland: ‘’ Waxa nasiib darro in walaalaha Soomaaliya aanay illaa maanta Koombo naga soo gaadhin’’

Hargeysa (QJ/SDN) – Guddida abaaraha dalka ayaa ku dhawaaqday inay xaalada dadka abaaruhu ay saameeyeen ay ka sii darayso waxaanay ugu baaqeen shacbiga Somaliland taakulaynta dadkaas abaaraysan. Guddidan oo maanta saxaafadda kula hadhashay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa nasiib darro ku tilmaantay in dalka Soomaaliya aanay illaa hadda ka qayb qaadan abaaraha baahsan eek a jira…

Read More

Isbaheysiga Dimuquraadi doonka KULMIYE Oo Deedafeeyay Go’aan Hoggaanka Xisbigu ku Caydhiyey Shan Xubnood

Hargaysa 24.March 2016 (SDN/QJ):- Hoggaanka Xubnaha Isbaheysiga KULMIYE ee Cadhada kaga maqan Xisbiga, ayaa War-murtiyeed ay Maanta Hargeysa ka soo saareen ku deedafeeyay Shan Xubnood oo Garabkooda ka mid ah oo Hoggaanka Xisbigaasi Shalay ka qaaday Xubinnimadii Xisbiga. War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiye-yayaasha 2-aad iyo Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan…

Read More

Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Suldaanka Cusub Ee Subeer Awal

Hargeysa (QJ/SDN) – Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna Murshaxa jagada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay suldaanka cusub ee subeer awal ee dhawaan lagu caleemo saaray magaaladda hargeysa. Isla markaana wuxuu sheegay inuu la shaqayn doono suldaanka cusub. Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo ka soo baxay xafiiska xisbiga Kulmiye, kulana saxeexanyahay murshaxa…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Mahadnaq Taakulan Ah U Diray Boqorka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Xukuumada isu-taga imaaraadka carabta iyo shacbiga dalkaasiba guud ahaan. Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu si buuxda ugu mahadnaqayo boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka ugu…

Read More

Somaliland: Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Wan Hirdi Ku Dilay Wan Kale

Hargeysa (QJ/SDN) –  Wan hirdiyey Wan kale ayaa saldhiga xaafadda Daami loo taxaabay kadib markii uu hirdi xoog badan madax kala eegtay isla markaana uu halkaas ku naf waayey Wankii kale. Muuqaal laga soo duubay gudaha saldhiga Daami ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Wanka hirdida ku dilay Wanka kale, waxaana ag joogay askarr isaga…

Read More

Hawl-gallo laga Sameeyay Boosaaso oo lagu soo Qab-qabtay dad rayid ah ah oo ka badan 150-qof

Boosaaso (QJ/SDN) – Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa in ka badan 156-qof ku qab-qabtay howlgal ay magaaladaas shalay ka sameyeen, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan oo shacab ahaa. Dadweynahan oo laga soo qabqabtay hoteello ay deggenaayeen, xaafadaha iyo goobo kale ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo lagu xiray xabsiga…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ammaanay Ciidanka Difaaca Puntland ee la dagaalamay Al-Shabaab

Muqdisho (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan. “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda…

Read More

Weyddiimo ku sabsan dagaalkii Puntland iyo koox lagu sheegay Alshabaab.

Waxaan doonaya bal inaan dhowr su’aal halkaan ku soo bandhigo kuwaas oo ku sabsan dagaalkii maalmahan dambe dhexmarayay maamulka Puntland iyo koox lagu sheegay Alshabaab, marna u wasiirka Warfaafinta Puntland ku sheegay dhallinyaro haboowsan. Weyddiimaha oo noqon doonna su’aalo balse jawaab u baahan. 1- Ma maqashayn meel ay Shabaabku ku sheegtayn dagaaladii bariga Nugaal iyo…

Read More

Nadaxwayne Ku-xigeenka South Suudaan Oo Socdaal Hawleed Ku Yimid Jabuuti

Jabuuti (QJ/SDN) – Madaxwayne ku-xigeenka South Sudan Rier Machar ayaa maanta socdaal hawleed ku tagay jamhuuriyada Jabuuti, waxaana qasriga madaxtooyada jabuuti ku qaabilay madaxwaynaha Jabuuti Ismaacliil Cumar Geele. Waxaana kulanka labada masuul ku dhexmaray qasriga madaxtooyada jabuuti lagaga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa isla markaana loodhaqan galin la haa heshiiskii ay IGAD gadhwadeenka uga…

Read More