Maxkamadda Hargeysa Oo Wasaaradda Daakhiliga U Diiday In Waaran Loo Jaro Laba Saxafi
Hargeysa (QJ/SDN) – Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka diiday in waaran qabasho ah loo jaro guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keef-keef). Sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Isniintii tagay maxkaamdda gobalka Hargeysa iyagoo doonaya in…
