Madaxweynaha Somalia Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Addis ababa ka qeybgalaya shir caalami ah

    Addis Ababa, 13 July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee dhinaca maalgashiga mashaariicda horumarinta. Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha…

    Read More

      Qaar ka Mid ah Cisbitaaladda Hargaysa oo Marwada Madaxweyne Siilaanyo ay Deeq kala duwan Gaadhsiisay DAAWO

      Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde,ayaa   deeqo kala duwan guddoon siisay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Carruurta ee Dr Maxamed Aadan Sheekh ee caasimadda Hargeysa,   waxaanay sidoo kale lacag ugu deeqday hooyada dhashay ilmo yar oo xaaladiisa caafimaad culus tahay. Marwada  koowaad  ayaa soo kormeertay qaybaha…

      Read More

        Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Mucaaridka ku eedeeyay inay ka baxeen Heshiiskii ay la Galeen Xisbiga Kulmiye,Awaamiir hor lehna shaaciyay DAAWO

        Hargaysa 12.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka  Arrimaha  gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde,  ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaridka ah inay carqaladaynayaan heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran,  ee ku  saabsanaa  wakhtiga dalka  la qabanayo  doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda. Waxaanu  sheegay in aan  dalka laga qaban  karin  shir beeleedkii ay dhawaan iclaamiyeen   labadda xisbi…

        Read More

          Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta:

          Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta: waxa u ahaa Yasiid binu Cabdimalik, waxaana lagu naanaysi jiray abuu khaalid . hooyadii waxa la odhan jiray Caatika bintu yasiid, waxa uu dhashay sanadkii 71 ee hijriyada khilaafada waxa uu qabtay sanadkii 101hijriga da’diisa waxay ahayd 29sano jir . khilaafadiisii hadii aan wax ka tilmaano waxa ugu…

          Read More

            Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Loogu Diyaargaroobayo Munaasibadda Ciidul-fidriga-DAAWO SAWIRADA

            Hargeysa,12july,2015(QJ/SDN)-Magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro maalinta Ciidul Fidriga, iyadoo Suuqyada Hargeysa ay yihiin kuwo saxmad badan oo dadku meel ay kala istaagaan adag tahay in la helo. Suuqyada Magaalada ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Caruur waalidiintooda gacmaha haysta iyo dhalinyaro ka dukaameysaneysa si ay isugu diyaariyaan maalinta ciidul…

            Read More

              Deg Deg : Dagaal Ka Soconaya Magaalada Kismaayo.

              Kismaayo,12july,2015(QJ/SDN)-Xoogag hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, uu ku lee yahay Magaalada Kismaayo. Mid ka mid ah ilaalada Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbland, ayaa waxa uu qori ka soo dhacay askari ka tirsan…

              Read More

                Suuqii Ganacsiga Westgate Oo 18-Ka Bishan Jully La Furi Doono, Kadib 23-Bilood Oo kasoo Kabasho ah

                Nairobi:Jully,12,2015:(SDN/QJ)-bishan aynu ku jirno ee jully 18-keeda, ayaa la shaaciyey in dib loo furi doono Xaruntii Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, kadib markii uu xidhnaa muddo laba sano ku dhaw. Agaasimaha guud ee xaruntaas ganacsi Alex Trachtenberg, ayaa sheegay in dib furista Westgate ay imaneyso kadib mudo saddex iyo labaatan bilood ah oo lagu guda…

                Read More

                  Shirkada Facebook Oo Xayirtay Ugu Yaraan 95-Beyj Oo Afkaarta Al-shabaab Baahin Jirey

                  Washington:Jully,12,2015(SDN/QJ)-Waxa meel sare maraya dagaalka u dhexeeya kooxda Al-shabaab iyo Shirkadda iska leh Barta Face-book-ga, waxana xaaladdu gaadhay in shirkaddu  xidho dhammaanba Barihi kooxdu ku lahayd khadka Fac-book-ga.  Shirkada ayaa go’aan kasoo saartay shaqsiyaadka taabacsan Al-shabaab ee isticmaalaya Aallada Facebook waxa ayna xidhay in kabadan 95-Bayj oo u furnaa xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo…

                  Read More

                    Warar Kasoo Kordhay Weerarro Shabaabku Xalay Ku Qaadeen Gudaha Magaalada Baydhabo

                    Baydhabo:Jully,12,2015(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya warar kasoo baxaya weerar shabaabku xalay ku qaadeen aqal ku yaalla Magaalada Baydhabo oo la sheegay inay ku sugnaayeen Masuuliyiin sare oo katisanaa Maamulka Koonfur Galbeed. Weerarkan ayaa ahaa mid loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro oo lagu ganay guriga, waxaana Askari ilaalo ka hayey guriga uu rasaas ku riday raggii…

                    Read More

                      Dhalinyaro reer Somaliland oo ku dhawaqay Urur samafala lagana dhawaaqay Casimada wadanka Uk magaaladdiisa London Daawo Muqaal iyo Sawiro.

                      London 12,July 2015 (SDN/QJ) kulan isugu yimid qaar ka mid ah dhalinayradii hore  ee London oo ku midoobay urur samafal oo caawin doona dadka baahan ee ku nool Somaliland. ururkan samafal ayaa waxa laga dhexdoortay xubno iyo gudoomiyaal hagi doona ururka samafal oo wax wayn ka badali doona mujtamca bahan ee reer somaliland  halkan kaa daawo…

                      Read More

                        Jawaabta Midowga Yurub ka Bixiyeen Go’aan Somaliland ka Qaadatay Xubinimada Gole loo sameeyey Isku-xidhka Hawl-gallo & Mashaariic ay ka fuliyaan Hargeysa iyo Muqdisho.

                        New York, 12 July, 2015 (SDN/QJ)- Madaxa Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee ka hawl-gala Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, Etienne de Poncins, ayaa ka hadlay go’aan Somaliland ku qaaddacday inay ka mid noqoto Gole loo sameeyey oo ku kulminaya Shaqaalaha EUCAP ee ka hawl-gala Somaliland iyo Soomaaliya. Hawl-galka la dagaalanka budhcad-badeedda ee Midowga…

                        Read More

                          “Xisbiyada Mucaaridka ahi Waxay samayn karaan ma jirto waanay iska hadleen” Afhayeenka Madaxtooyadda Dhuxul

                          Hargeysa 12,July 2015 (SDN/QJ)-Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland  Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay axsaabta mucaaridka ah, kuwaasi oo sheegay in  aanay aqoonsanayn  xukuumadda talada haysa haddii aanu madaxweynuhu dhaqan gelin heshiiskii xisbiyadda  marka la gaadho 26 bishan July. Afhayeenku waxa uu sheegay in  wakhtigan Somaliland dhaaftay in ay dhaawacaan…

                          Read More

                            “Qodabka 82 iyo 83aad Meelna kama soo Gasho waxaa Saleebaan Gaal iyo Caruurta Meesha La Joogtaa Xar-xariiqeen” Xoghayaha Waddani DAAWO

                            Hargeysa 12 July 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga mucaaridka ee Waddani ayaa xukuumada somaliland ku eedeeyay in ay kasoo bixi wayday heshiiskii ay gaadheen asxaabta qaranka iyo xukuumadu. Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo xarunta xisbiga ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu ay kasoo bixiwayday heshiiskii ay wada galeen xisbiyadu qaranku “Somaliland dagaal…

                            Read More

                              “Colaadaha Axmed Muumin Seed Ka Hadlay Waa Kuwo Halkee Ka Socda, Ma Colaad Isaga Gaar U Khusaysaba” Jaamac Shabeel

                              Hargeysa 12,July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) , ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Guddoomiye xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, kaasi duray Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay in aanu guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye aheyn iyo in…

                              Read More

                                “Hadaad maqasho waxaa la tagay Dubai, Abu dubai Iyo Sucuudiga waa dilaalnimo” Mujaahid Boobe DAAWO.

                                Hargeysa 12 July 2015 (SDN/QJ)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay shilalka kusoo badanaya wadooyinka u dhaxeeyay magaalooyinka Barbera iyo Hargeysa. Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu duray wareegtadii wasiirka arimaha guduhu ku sheegay in baabuurta turus laga jaro,xukuudana waxaa uu ku eedeeyay in masuuliyiin ka tirsani ay…

                                Read More

                                  Liiska dalal Somaliland ku jirto oo looga digay in muwaaddiniinta Ingiriisku u safraan

                                  London 12.July 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Ingiriiska, ayaa muwaaddiniinteeda dalxiisayaasha ah u dirtay digniin culus oo la xidhiidha inay waajihi karaan falal argagixiso, iyadoo ugu baaqday dadkeeda inay si degdeg ah uga baxaan waddanka Tuuniisiya. Warbixin ka soo baxday xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska (FCO) shalay oo Wargayska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa lagu sheegay…

                                  Read More

                                    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka Hadlay Shaqaale Mushaharka laga Joojiyey

                                    Hargeysa 12.July 2015 (SDN/QJ)- Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa ka hadlay shaqaale ka tirsan wasaaraddaasi oo laga joojiyey mushahar kadib markii lagu eedeeyey inay shaqaysanwaayeen. Warar lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka internetka ee Af-soomaaliga, ayaa lagu eedeeyey madaxda Warfaafinta inay si caddaalad-darro ah mushaharka uga…

                                    Read More

                                      Isimada Gobolka Nugaal oo Go’aan aan Bislayn ka qaatay Xiisadii Ciidan ee Deegaanka Qarxis

                                      Garowe 12.July 2015 (SDN/QJ)- Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Maxamad Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamad kulan ay maalintii shaley ka qaateen xiisada Qarxis go’aan mideysan ka gaareen xal ka gaaristeeda. Xiisada Qarxis oo ay isku horfadhyaan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee…

                                      Read More

                                        Hargaysa: Muwaadin Dhabarka u ritay Quudinta In ka badan 500 oo Qof oo Dhimirka ka Xanuunsanaya

                                        Hargaysa 12.July 2015 (SDN/QJ)- Muwaadin reer Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen oo ku magac dheex (Maxamed Jagac), kaasi isku xilqaamay urur Samafal oo la yidhaa (Sancaani Fundation),kaas oo sannadkiisii Afraad oo xidhiidh ah Cunto Bisil iyo Biyo Caasimadda Hargeysa gaadhi kula wareega uguna qeybiya dadka dhimbirka ka Xanuunsan iyo waliba kuwo kale ee Suuqyadda…

                                        Read More