Sucuudiga Oo Shaaciyey Tiro Dalal Afrikan ah Oo Sanadkan Dadkiisa u Oggolayn Inay Waajibaadka Xajka Soo Gutaan

    Riyad:(sdn/qj)-Dalka Sucuudigu waxa uu sanadkan shaaciyey shuruuc dheeri ah oo lagu soo rogay dadka gudanaya waajibaadka xajka, iyadoo ay soo kordhayaan baqaha laga qabo dhinacyada cudurrada iyo waliba Fikirrada Agagixisada oo caalamka kusii badanaya. Afhayeen u hadlay Wasaarada caafimaadka sacuudiga ayaa faray dhamaan xujeyda sanadkan soo aadeysa Magaalada Maka si ay gutaan waajibka xajka inay…

    Read More

      DAAWO:BAARLAMAANKA YURUB IYO TAAGEERADA XILDHIBAAN JAMES CARVER EE QADIYADDA ICTIRAAFKA SOMALILAND

      London,9july,2015(QJ/SDN)Xildhibaan James Carver oo xubin ka ah Baarlamaanka Yurub, kana tirsan Xisbiga Independence Party (UKIP) ee dalka Ingiriiska, isla markaana ka mid ah mudanayaasha caanka ah ee  taageera qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, fagaare kastana uga ololeeya  ictiraafka Somaliland ayaa  ugu baaqay fadhiga mudanayaasha Baarlamaanka Yurub inay tixgeliyaan aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriaydda Somaliland mudantahay oo xilligan…

      Read More

        Haay’adda Maamusha Duulimaadka Hawadda Somaliland Iyo Somaliya Oo Shir Ay Nairobi Ku Qabatay Lagu Kala Kacay.

        Nairobi,9july,2015(QJ/SDN)-wararka ka imanaya Magaaladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya,ayaa sheegaya in laysku af-garan waayay,isla markaana lagu soo kala kacay Shir halkaas ku wada lahaayeen Xukuumaddaha Somaliland,Somliya iyo Haay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee magacaceedda loo oo gaabiyo ICAO. Warku waxa uu intaas ku darayaa in kulanku soo af-xidhmay ka dib markii Xubnihii ka socday…

        Read More

          Derbiga Kenya Ka Dhisayso Xadka ay Somalia La Leedahay Oo Mucaaradad Weyn Kala Kulmay Dalka Maraykanka

          Nairobi:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa si weyn uga soo horjeedsatay Tallaabada dawladda Kenya kju doonayso inay deyr adaga kaga  dhigsto xad ay la leedahay Dawladda Somalia. Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan taageeradda ay Dowladda Kenya codsato si…

          Read More

            Booqashada Obama Ee Addis Ababa Oo Keentay In Oodda Laga Qaado Wariyayaal Muddo Xabsiga Ku Jirey

            Addis Ababa:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Waxa maalintii shalay oodda laga Qaaaday  Shan wariye oo muddo Hal sano iyo dheeraad ah ku xidhnaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Ethiopia. Sii deynta Saxafiyiintan, ayaa la sheegay inay timi kadib markii ay wasaaradda Caddaaladda Dalkaasi dib uga noqotay Dacwad ay markii hore kusoo oogtay. Wariyayaasha oo Itoobiya looga yaqaano Zone-9 bloggers…

            Read More

              Ra’isal Wasaare Hore uga Soo Taliyey Midkamid ah Waddamada Yurub Oo Saddex Sano Oo Xadhig ah Lagu Xukumay

              Milan:Jully,09,2015(SDN/QJ0)-Silcio Berlusconi oo ahaa Ra’isal wasaarihii hore ee Waddanka Talyaaniga, ayaa Saddex sano oo  xadhig ah lagu xukumay, kadib markii lagu helay inuu laaluush bixiyey. Laaluushkaas ayaa sida ay maxkamad ku taalla waddanka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Naples waxa uu siiyey Masuul sare oo katirsanaa xisbi kasoo horjeeday Xisbigii uu Ra’isal wasaare Berlusconi hoggaamin jirey,…

              Read More

                Maayarkii Degmada Ceel Afweyn Oo Culays Kaga Yimi Golihiisa Deegaanka Iskaga Casilay Xilkii Maayarnimo

                Ceel afweyn:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Maayarkii hore ee Degmada Ceel afweyne Baashe Xandulle Warsame, ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii maayarnimo ee uu degmadaas ka Hayey, kadib markii sida la sheegay uu dareemay mawjado mucaaradad ah oo kaga yimi dhinaca Xildhibaanada Degmadaas. Maayar Xandulle, ayaa in muddo ahba ka cago jiidayey mooshin ay saxeexeen 12-xildhibaan oo la doonayey in…

                Read More

                  Aqoonsiga Somaliland iyo Dhibka ka Taagan dalka Yemen oo ay Baarlamaanka Uk ka doodeen DAAWO

                  London 09.July 2015 (SDN/QJ)-Dood Xasaasiya oo ka dhacday baarlamaanka yurub oo lagaga doodayay dhibaatada wadanka yemen iyo saamaynteeda ayaa  James Carver oo xildhibaan kasoo baxay xisbiga UKIP ee wadanka ingiriiska wuxuu  miiska soo saaray aqoonsiga Somaliland iyo sidookale Saamaynta ay Soomaliland ku leedahay dhibaatada Yemen  iyo qaxoontiga yemen ee ku soo qulqulaya wadanka somaliland , sidoo…

                  Read More

                    “Ragga Wax Ka Sheegaya Siilaanyo, Somaliland Oo Dhawr Sanno Jirtay Ayay Yimadeen” C.laahi Jawaan iyo Cismaan Hindi DAAWO

                    Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku xigeenkii Hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland  Mr. Cabdllaahi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) Iyo Siyaasi Cismaan C.laahi Cigaal “Cismaan Hindi” ayaa ka Jawaabay eedaymaha xisbiyadda mucaaridka ahi ay u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland, isla markaanna waxay sheegeen in ay tahay wax aan la qaadan kari warqada ay faafisay Wikileakes oo…

                    Read More

                      Qaabka ay Diinta Islaamku u Xaliso Khilaafka Mujtamaca iyo Maamulada la soo dersa Iyo Tusaalaha Somaliland ka Taagan Maanta DAAWO

                      Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Khilaafku Waa Sunaha Nolosha Aadamaha Sidaas oo ay tahay Waxay Diinta Islaamku faraysaa Mujtamaca Muslimiinta inay si wanaagsan u Suuliyaan Wixii Khilaaf ah ee la soo Dersa si loo Xoojiyo Midnimada Umadda. Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa Dersigan ku eegaya waddada lagu xaliyo Khilaafka.

                      Read More

                        “UCID Ma Waxay Noqotay Jaamacadda Cayda Mise Waa Ka Siyaasad” Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

                        Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xisbiga UCID ku masaalay inay yihiin jaamacadda Cayda. Waxaanu xidhibaanku su’aal iska weydiiyay in dhaqanka aflagaadadu yahay siyaasadda xisbigaas iyo in kale. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi waxa uu sidaasi ku faaqiday war-saxaafadeed oo Xalay soo saaray, waxaanu qoraalkiisu u qornaa…

                        Read More

                          Isbeddel kedis ah oo mar labaad Lagu sameeyey Isu socodka Waddooyinka Hargeysa oo Maanta Dhaqangelaya DAAWO

                          Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Mayor kuxigeenka magaalada Hargeysa C/casiis Cagaweyne iyo Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Waddooyinka ayaa waxay shaaciyeen in isbeddel lagu sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Hargeysa Waxana sida mas’uuliyiintaasi sheegeen gebi ahaan isbeddel lagu sameeyey Waddada Wadnaha magaalada Hargeysa ee hor marta Aqalka Madaxtooyada taasoo kolkii hore gaadiidku u…

                          Read More

                            “Muuse Biixi wuxuu Xoqayaa Nabaradii hore ee Somaliland ka Heshiisay ee Dagaalkii Sokeeye” Axmed Muumin Seed DAAWO

                            Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa shaki geliyey xilka uu Gudoomiyaha Muuse Biixi ka hayo xisbiga Kulmiye. Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inaanay fulin heshiisyada ay Mucaaridka la qaataan isla markaana ay wacad fur ku barteen.

                            Read More

                              Wax ka bedel lagu Sameeyay Miisaaniyadda Maamulka Punt land oo Baaralmanku meel mariyay

                              Garowe 09.July 2015 (SDN/QJ)-Baaralmmaanka Puntland ayaa  meel mariyey miisaaniyadda dowladdu ku shaqeyn doonto lixda  bilood ee soo socota, kadib markii wax ka bedel lagu sameeyey miisaaniyaddii dowladda ee horay baarlammaanku u ansixiyey. Sababta keentay wax ka bedelka lagu sameeyey miisaaniyadda ayaa ah kamid markii la waayey dhaqaalihii laga filayey Bankiga Adduunka oo horay miisaaniyadda loogu…

                              Read More

                                “Madax dhaqameedka Degmada Allaybaday Waxay beeninayaan nin Sheegtay inuu Beeshooda Ugaas u yahay”

                                Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxdhaqameedka deegaanka Allaybaday ee Gobolka Gabiley, ayaa beeniyey inuu jiro ugaas cusub oo beeshoodu dooratay, isla markaana aanay waxba ka jirin nin arrintaasi isu-cumaamaday dhawaan magaalada Hargeysa. Salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beesha deegaanka Allaybaday (Cabdalla Abokor/Sacad Muuse) oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen ugaasnimada uu…

                                Read More

                                  Hargeysa Oo Noqotay Magaalo Maalinba dhan Loo jeesto Iyo Amar kale oo lagu badalay isku socodka waddooyinka magaalada.

                                  Hargeysa,8july,2015(QJ/SDN)-Maayar xigeenka Caasimada hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne iyo Taliya taraafikada ayaa maanta si rasmi ah ushaaciyay in isbedel lagu sameeyay qaar kamid wadooyinka halbawlaha u ah caasimada Somaliland ee Hargeysa. Masuuliyiintani waxay sheegeen in Gebi ahaan isbedel lagu sameeyay wadada Wadnaha ee magaalada Hargeysa taso hormarta Madaxtooyada Somaliland loona qaadi dhinaca galbeed balse iminka ay gawaadhidu…

                                  Read More

                                    Howlgal 200 ruux lagu xidhay oo Gaalkacyo laga sameeyay iyo Saraakiisha oo ka hadashay

                                      Galkacyo,july8,2015(QJ/SDN)-Ciidamada ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sameeyay howlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo ruux. Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa howlgalkaan laga sameeyay, dhalinyarada lasoo qabtay ayaa la sheegay inay yihiin qaar amniga qal qal gelinaayay iyo kuwa habeenkii laga seexan waayay Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiye ku…

                                    Read More