Buuhoodle oo uu ka Bilaabmay Tartanka Ciyaaraha ee Bisha Ramadaan DAAWO

    Buuhoodle 24.June 2015 (SDN/QJ)- Isuduwaha Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Cabdi Raxmaan Xiis Ayaa Agab Isportis oo ay bixisay Daladda Sonyo Gudoonsiiyey Kooxaha heerka koowaad ee kubada cagta ee Gobolka Buuhoodle iyadoo Dhawaan Uu Bilaabmayo Koob Loogu Tala Galay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Md Maxamed C/raxmaan Xiis oo ka hadlayey munaasabada furitaanka…

    Read More

      Wasiir Xukuumadda Madaxweyne Katirsanaan Jirey Oo Saaka Boorama Ku Geeriyooday

      Borama:June,24,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud  Axmed Barre(garaad), ayaa saaka ku geeriyooday Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal. Marxuumka oo in muddo ahba xanuun ujiifay, ayaa ugu dambayn saaka geeriyooday, waxana lagu aasi doonaa Magaalada Borama, iyadoo masuuliyiin uu madaxweyne-ku-xigeenku kamid yahay aaskiisa ka qaybgeli doonaan. Madaxweynaha somaliland Axmed Silaanyo, ayaa marxuumka…

      Read More

        TAXANE: Awoodaha Siyaasadeed iyo maaliyadeed ee Faadumo Cawo iyo Heybado Ismaaciil Cumar Geelle(Qeybtii 3aad)

        Paris June 24, 2015(SDN/QJ)-Haweeneyda Madaxweyaha Jamhuuriyada Jabuuti Khadra Maxamuud Xeyd ayaa mararka qaar lagu sheegaa in ay suurtogal tahay in ay bedesho madaxweynaha hadii ay dhacdo in Ismaaciil Cumar Geelle uu hawada ka baxo. Balse cida dhaxalka dhabta ah lehi waa inantiisa ugu yar ee Heybado Ismaciil Cumar Geelle oo  markii ay ku soo noqotay…

        Read More

          Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Toogasho Dhawaan Hargeysa Loogu Gesytay Ciidamo Booliska Katirsan

          Hargaysa:June,24,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay  ka hadashay dil naxdil badnaa oo dhawaan Nin shacab ahi Gudaha Hargeysa ugu geystay Ciidamto Boolis ah oo warqad soo waaran soo qabasho ah loogu soo dhiibay. Wasiir-ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Arrimaha Gudaha Axmed Cadarre oo warbaahinta kula Hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa dilkaas ku sheegay mid…

          Read More

            Afhayeen Xilka Ku Helay Cayda Iyo Aflegaaddadii Daahir Rayaale Oo Dab Kala Dhexdhigay Saxaafadda iyo Madaxweynaha Qaranka

            Hargeysa:June,24,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa caado ka dhigtay inuu colaad iyo xiqdi ku dhex beero Madaxtooyada iyo Saxaafadda madaxa Bannaan, isagoo si cad shaqo ugu dhigtay inuu saxaafadda kahor istaago inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiso xaaladda Guud ee Dalka. Afhayeen dhuxul oo muddo dheer  xafiiska madaxweynaha joogay, ayaa ku caan baxay abuurista jawiyo…

            Read More

              Maamulka Puntland Oo Burbur Qarka u Saaran, Saarkiil Ciidan Oo Goosatay iyo Dagaal ka Dhex Dhacay Gudaha Garowe

              Garoowe:June,24,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u muuqda mid kala daadanaya, iyadoo ciidamo tiro badani haatan u goosteen  taliye kuxigeenkii hore ee ciidamad Booliska Maamulkaas  Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse Muxudiin oo isagu  muddo kahor ciidamo goostay, isla-markaana diiday ammarada kasoo baxaya Madaxweynaha Gaas. Degaanka Qarxis ee duleedka Magaalada Garowe ayaa la sheegay in ciidamo Puntland u dirtay ay…

              Read More

                RW ku xigeenka Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay saxaafada madaxa banaan

                Muqdisho, 24, June, 2015(SDN/QJ)-Guddiga heer qaran ee loo xirsaaray qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo, ayaa maanta kula kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda, waxana ay ka wada hadleen sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa dabaal daga maalmahan xoriyadda. Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayi Maareeye, oo  ah…

                Read More

                  Madaxweynaha oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan Qaramada Midoobay‏

                  Muqdisho, 23 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Lazzarini hawshii wanaagsaneyd ee uu…

                  Read More

                    Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Waramay Kulankii Dhex-maray Raysalwasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweyne Siilaanyo

                    Hargeysa 23.June 2015 (SDN/QJ) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka hadlay kulankii dhexmaray Raysal Wasaaraha dalkaasi Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wasiirka oo qoraal kooban arrintaas wuxuu hadalkiisa ku bilaabay. “Illaahay ayaa mahadle oo waxaan soo nabad gaadhnay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa kadib markaan kasoo laabanay safar shaqo oo aan laba…

                    Read More

                      Sheekh C.laahi Diiriye Sooraan oo Xaalad Caafimaad la soo Deristay iyo Madaxda Warfaafinta oo Booqday DAAWO

                      Hargaysa 23,June 2015 (SDN/QJ)-   Masuuliyiinta  ugu  saraysa  wasaaradda  warfaafinta,   dhaqanka iyo wacyigelinta ee  Somaliland ayaa shalay booqasho ugu tegay  Seekh C/laahi Diiriye Sooraan oo muddo dheer si weyn uga dhex muuqday fanka Soomaalida oo  xanuun dhawaan ku soo booday u jiifa cusbitaalka  ku yaalla magaaladda Hargaysa.   Masuuliyiintaasi oo kala ahaa Wasiirka warfaafinta  C/laahi Maxamed …

                      Read More

                        Wasiir Maareeye oo maanka ku haaya himilooyin muhiima (Sawirro)

                        Muqdisho June 23,2015(SDN/QJ)-Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo bandhigay himilooyin badan oo uu rajaynayo in isaga iyo bahda wasaaradda Warfaafintuba ay is kaashi iyo wada jir ku xaqiijiyaan waqtiga dhaw, si loo hormariyo howlaha wasaaradda, xilli ay hadda bilowdeen barnaamijyo qayb ka ah hormariinadaas uu wasiirku hiigsanayo….

                        Read More

                          TAXANE:Marwada madaxweynaha Jabuuti iyo Awoodaheeda maamul iyo dhaqaale ee Jabuuti(qeybtii 2aad)

                          Paris June  23,2015(SDN/QJ)-Khadra Maxamuud Xeyd waxa ay ka mid aheyd gabdhaha yaraanta waxbarasho ku helay dalka Jabuuti ka hor intii dalkaasi aanu qaadan xoriyada sanadii 1977kii. Waxa ay Bare ama macalimad ka noqotay mid ka mida Dugsiyada Hoose ee dalkaasi waxaana lagu tilmaami jiray aqoonyahanad waxaaney ka mid aheyd indheer garadka dalka Jabuuti, sidaa waxa…

                          Read More

                            Hargeysa Oo Xab-xab La’aan ah

                             Hargeysa:June,23,2015(SDN/QJ)-Ramadaan kasta xilliyadan oo kale magaalada Hargeysa waxa aad looga isticmaalaa qudaarta xabxabka, iyadoo wakhtiga ramadaanta uu soo go’i jiray xabxab aad u tiro badan, waxaana xabxabkaasi dadka intooda badani isticmaalaan wakhtiga afurka, balse ramadaantan aynu ku jirno ayaan illaa hadda xabxabkii loo bartay aanu soo go’in, marka laga sootago goobo cayyiman oo qiima ahaana…

                            Read More

                              Nicholas Kay oo soo dhaweeyay dhaarinta baarlamaanka cusub ee gobolada dhexe

                              Cadaado,June,23,2015(SDN/QJ)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweyneyso dhaarinta baarlamaanka cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug oo lagu qabtay Degmada Cadaado…. wuxuuna yidhi “Waxaan u hambalyeeynayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan  Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Guddiga farsamada…

                              Read More

                                Madaxweyne Siilaanyo oo Dalka Kusoo Laabtay Iyo Saxaafadda Oo Loo Diiday Inay Su’aalo Weydiiyaan

                                Hargeysa:June,23,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu soo dhamastay safar laba cisho ah oo uu dalka Ethiopia ugu maqnaa. Madaxweyne Siilaanyo oo markii garoonka kasoo dagay u  muuqday mid aad u daallan, ayaa warbaahinta u sheegay war kooban oo salka ku hayey inuu safarkiisa ujeeddadiisii kusoo…

                                Read More

                                  Muran ka dhashay lows dartiis oo diyaarad loo dejiyay

                                  Belfast,June,23,2015(SDN/QJ)- Maxkamad ku taalla waqooyiga Ireland ayaa dacwad ku soo oogtay nin Maraykan ah, kaas oo loo haysto in uu halis galiyay diyaaradii uu saarnaa iyo dambiyo kale. Ninkaasi oo lagu magacaabo Jeremiah Mathias Thede ayaa dagaal u galay in loo kordhiyo lows diyaarada laga qaybinayay intii ay hawada ku jirtay. Diyaaradda waxay ku socotay…

                                  Read More

                                    Guddoomiyaha Muqdisho Oo Caydhiyey 60-Kamid ah Shaqaalihiisa

                                    Muqdisho:June,23,2015(SDN/QJ)-Sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Duqa Caasimadda Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab, waxa shaqadii ay hayeen laga caydhiyey 60-kamid ahaa shaqaalaha Gobolka Banaadir. Shaqaalaha la casilay ayaa isugu jira 10 Agaasimeyaal iyo Taliyayaal Ciidan, iyadoo ay sidoo kale ku jiraan shaqaale hoosaad  aan wax awood ah lahayn. Ujeedka Ruqsadda 60-ka Shaqaale ayaa Lagu Sheegay…

                                    Read More