Uncategorized

Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon oo London si heer sare ah loogu soo dhaweeyay

London Jan 03,2014(SDN)-Salaadiin, cuqaal, aqoonyahano, hooyooyin kasoo jeeda Awdal ee ku dhaqan cariga Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London ay dhamaan si diiran ugu soo dhoweeyeen Airportka Heathrow Ugaas AbdiRashid Ugaas Doodi Ugaas Robleh.

Masuulinta Soo Dhoweeyey Ugaaska waxa hogaaminayey am gadhwadeen ka ahaa Wakiillka Ugaaska ee England Harun AbdiRahman Qadi, Suldn Ikajir oo ah Caaqilka Guud ee Beesha Samaron ee Degan UK, EU, Siyaasiga-Aqoonyahanka Reer Awdal Abdi Rahman Hamud Aleel, Professor Hassan Musse Khalif oo ah Masuulka Cassumadan u fidiyey Ugaaska, Siyaasi Xussein Mikeh, Sucdi Haji Musse, Abdi Nur Omar Qaddi iyo Dhamaan Dhalinyar, Dhalaan ku labisan hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Mudada uu ugaasku joogo waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuulin badan oo kasoo jeeda dalka gudihiisa iyo dibadiisa, sidoo kale waxa uu ka qeyb gali doonaa xaflad maamuus iyo soo dhoweyn ah oo ay u diyaariyeen bahweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK.
Sidoo kale Dhamaan Qurbajoogta Somaliyeed ee ku dhaqan UK iyo EU waxa loogu baaqayaa inay walaalahooga Reer Awdal kala qeyb qaataan munaasabadan soo Dhoweynta Ugaaska, oo ka dhici doonta Xaaafada Harrow ee Galbeedka London, Maalinta Sabtida ah ee ku aadan 4/January/2014
Mahadsanidiin
Wa Bilaahi Tawfiiq
Jaaliyada Reer Awdal ee UK.