Year: 2013
Barnaamij Gaar ah Safarka Madaxweynaha ee Gobolada bari {DHAGAYSO}
Berbera 15.Sep 2013 (SDN)- Weftiga uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ku sugan Magaalada Burco laguna wado inay uga sii Gudbaan Maanta dhinaca Xarunta Gobolka Daad Madheedh ayaa Qasdigii ugu weynaa ee Safarkoodu waxa uu ka bilaabmay Dugsiga Tababarada Ciidamada Qaranka ee Dararweyne oo markii u horaysay ay u fadhiisteen…
Jimciyada Sooyaal oo dhaliil Xoogan u soo Jeediyay Gudidii Darajo bixinta Ciidamada oo duudsiyay Ururkii SNM {DHAGAYSO}
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta ee Sooyaal Xasan Cabdi Muxumed ayaa dhaliil xoogan maanta u soo jeediyay Gudidii ka soo talo bixinta darajooyinka Ciidamada oo uu sheegay inaanay wax Tixgalin ah siinin Mujaahidiintii Ururkii SNM oo badidoodu ka qatan yihiin darajooyinkii ciidamada loo qoondeeyay. Gudoomiyaha Jimciyada Sooyaal ayaa hadalkan ka sheegay Mar uu…
Afhayeenka Ahlusunna Sheekh Cabdiqaadir Soomow Oo Maanta Xabsi Loo Taxaabay
Muqdisho 15.Sep 2013 (SDN)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xirtay afhayeenka ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobolka Banaadir Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow. Sheekh Cabdiqaadir ayaa lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da kaddib markii halkaas looga yeeray saaka, markii uu tagayna loo sheegay in uu xiran yahay. Saxaafadda qaarkeed ayuu u sheegay in saraakiisha dambi…
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic laga hirgaliyay Magaalada Berbera halka uu kuwo kalena dhagax dhigay
Berbera 15.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo haatan ku sugan Magaalada Burco ayaa ka hor intii aanu maanta ka soo Kicitimin Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera waxa uu Xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo dhawr ah halka uu dhagax dhigay kuwo kale. Madaxweynuhu Mashaariicda uu dhagax dhigay waxaa ugu…
Xisbiga Kulmiye oo soo dhawayn u sameeyay Garab ka Mid ah Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Munaasabad baladhan oo xisbiga Kulmiye ku soo dhoweynayey garab ka mid ah urur siyasadeedkii xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii Dawldaha hoose ee la qabtay dhamadkii sanadkii hore ayaa maanta lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargaysa. Munaasabadaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, salaadiin, xildhibano,cuqaal iyo…
Shirkadda Turki ah oo la wareegeysa maamulka garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho 15.Sep 2013 (SDN)- Shirkadda duullimaadka Turkiga ee FAVORI ayaa maanta oo Axad ah waxay maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kala wareegeysaa shirkadda SKA oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay maamuleysay garoonka, taas oo xarunteeda weyn ay ku taallo Dubai. Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in…
Deeq Raashin ah oo loo qaybiyay 305 Qoys oo Agoomihii Ururkii SNM Iyo Agaasimaha Samafalka oo ka Hadashay {DHAGAYSO}
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN) Deeq Raashin ah ayaa maanta loo qaybiyey qaar ka mid ah agoomihii ururkii SNM ee ku sugan magalada Hargaysa Munaasabdda rashin qaybinta oo lagu qabtay beerta xorriydda ee magaalada caasimadda ah ayaa raashinkaasi oo ay bixinayso xukuumadda Somaliland qaybna ka ah caawimadii dalka turkigu siiyey Somaliland waxa la gaadhsiiyey 305 qoys…
Weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Lugtii Socdaalkiisa ku Gaadhay Magaalada Burco
Burco 15.Sep 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ka dib markii uu Galinkii hore ee maanta ka Ambabaxay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera oo uu Mashaariic Xadhiga kaga Jaray. Madaxwaynaha Somaliland oo hadal kooban u jeediyay Dadwaynaha Soo dhaweeyay ayaa…
Wareegii 7aad ee Ololaha Cidhib tirka Cudurka Dabaysha oo ka Bilaabmay Punt land
Garoowe 15.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta bilowday wareega 7-aad ee tallaalka Dabaysha,kaasoo lagu rajo wayn yahay in la tallaalo caruurta ka yar tobanka sano. Wasiir ku xigeenka Cafimaadka Puntland Sayban Ugaas Yaasiin oo maanta war-fidiyeenada kula hadlaysay magaalada Garowe ayaa fariin adag u jeedisay waalidiinta,waxayna sheegtay waalid kasta in looga baahan…
Qofkii labaad ee Rayid ah oo Goor dhawayd lagu Khaarajiyay Magaalada Kismaayo
Kismaayo 15.Sep 2013 (SDN)- Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ninki labaad oo rayid ah hadda ay maleeshiyo beeleedka Raaskmabooni ku dileen gudaha magaalada Kismaayo. Allaha U Naxariistee Marxuumka hadda la dilay ayaa isaguna waxa uu ka soo jeedaa beesha Sade, waana ninkii labaad oo mudo ka yar sideed…
3 Qof oo ku Naf waayay dagaal al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhex maray gobolka Baay
Gobolka Bay 15.Sep 2013 (SDN)- Saddex qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo maleshiyada al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Dambal oo ka tirsan degmada Aw-diinle ee gobolka Baay. Guddoomiyaha degmada Aw-diinle, Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa Bar-kulan u sheegay in dagaalku yimid markii al-Shabaab ay weerar…
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land oo Gaadhay Brussels
Brussels 15.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium iyagoo ka qeyb-gali doona shirka berri halkaas ka furmaya ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa wafdiga madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh…
Mudanayaasha Golaha Guurtida oo dood ka Yeeshay Xaalada Arrimaha Gudaha ee dalka
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda S/land fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Md: Siciid Jaamac Cali ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Arrimaha Gudaha ee dalka. Mudanayaashii dooda maanta ka qaybqaatay ayaa badankoodu soo jeediyay in Golaha ay hor yimaadaan Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo sii-aydhiida si goluhu uga xogwaraysto falal dilal ah oo mudooyinkii dambe ka…
Madaxwayena ku xigeenka S/L oo la kulmay masuuliyiin ka soo jeeda qaarada africa iyo Safiirka Liberia in Dubai. Mr Arun Panchariya
Dubai 15sep13 (SDN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Abdirahman Saylici oo ku sugnaa baryahan danbe magaalada Dubai ayaa la kulamay Madax ka tirsan wadamda Afrika oo ka wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya somaliland iyo wadamda Africa madaxwayne ku xigeenka ayaa waxa ku waheliyeyey Kulankan oo u qaban-qaabadiisa lahaa Mr Hussein alquraishi oo ah madaxa sanduuqa horumarinta…
“Genel Energy Only Temporarily Paused Their Chores Hence Have Not Left the Country” –President Silanyo
Hargeisa, Sep 15, 2013 (SDN) -Somaliland president Ahmed Mohamed Mohaoud Silanyo has strongly denied reports claiming that Genel Energy completely left the country. The president also denied alleged hence dispelled rumours that the Ethiopian Airlines claimed Egal Airport as a substandard and unworthy one to land its crafts. “Brethren, Genel Energy only temporarily paused their…
Somaliland University Gains International Recognition
Hargeisa, Sep 15, 2013 (SDN) -British, Canadian and African universities have been partnering with the University of Hargeisa, in the breakaway state of Somaliland, to boost the institution’s international credibility and the recognition of its qualifications. Although international recognition has yet to be conferred on Somaliland since it separated from Somalia in 1991, its largest…
Somalia: Forced evictions in Mogadishu put thousands of displaced at even greater risk
Mogadishu, Sep 15, 2013 (SDN) -Thousands of people are being forcibly evicted from makeshift camps in Mogadishu as the government presses ahead with plans to clean up the capital, Amnesty said in a briefing released today. Forced evictions have continued and gathered pace in recent months despite the authorities’ failure to find an alternative safe…
Mujj Cali Gurey:Silanyo wadanka uu madaxwaynaha ka yahay waxa uga war roon islaanta gidaarka ku iibinaysa inta yar ee tamaandhada ah
Hargeysa Sept 15,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa sidii ugu adkeyd uga hadlay ogaalka Xaalada dalka ee madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu si badheedha u sheegay waxa la gudboon reer Somaliland hadii la waayo xal loo dhan yahay oo cadaalad ku saleysan oo lagu maamulo hawlaha shidaal sahaminta…
Socdaalka Soof daran Habowga ah ee Galaafta Nolosha Da’a Yar badan iyo Weedha Shabakada Qurbejoog.com Qaybtii 2aad
Wajaale 15.Sep 2013 (SDN)- Waxaan ku soo Arkay Tog Wajaale dhallinyaro {Weriye ka Tirsan Shabakada Qurbejoog.com} Kooxo Kooxo ah oo laga soo qaaday Xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudan iyagoo u Jihaysan dhanka Liibiya si ay halkaas uga raacaan doonyo geeya qaarada Yurub oo ay aaminsan yihiin inay ka helayaan nolol dhaanta tii dalkooda ….
