Madaxweyne Siilaanyo Oo Maalinta Berri ah Xadhiga ka Jari doona Dhabbada Diyaaradaha ee Cigaal International Iyo Shaqadii GaroonkaOo kala Dhantaalan

    Hargeysa 16-Aug-2013(SDN)-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah si rasmi ah xadhiga uga jaro, iyadoo uu jiro walaac ballaadhan oo laga qabo shaqada illaa haatan laga qabtay oo  Garoonka oo la sheegay inay lacag badani ku baxday. Dhaliishan ayuu madaxweynaha laftiisu si cad u daliishaday ka dib markii uu dhinac ka…

    Read More

      Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo

      Ceerigaabo 16.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Md Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo wefti wasaaradiisa ka tirsan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag. Weftigan waxaa Duleedka Magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Mas’uuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag oo uu Hor kacayo Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha Dhallinyarada iyo…

      Read More

        Jimcihii Cadhada iyo dhimashada 25 Ruux oo Masaari ah

        Qaahira 16.Aug 2013 (SDN)- Kumanaan ka Tirsan Taageerayaasha Madaxweynihii Xilka laga Tuuray ee Wadanka Masar Maxamed Mursi ayaa isu soo baxyo waaweyn ka sameeyay Magaalada Qaahira iyadoo kooxda Ikhwaanku ay Shaaciyeen in Banaan bixii ka dhacay fagaaraha RamSiis ee Magaalada Qaahira ay ku Geeriyoodeen 25 Ruux isla markaana ay rabshado kale ku sii fideen Magaalooyinka…

        Read More

          Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia oo Iftiimiyay Xidhiidhka u dhexeeya Uk iyo Somaliland {DHAGAYSO}

          Hargaysa 16.Aug 2013 (SDN)-  Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo ka Mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb galay Furitaanka Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta ee Maanta ka furmay Hargaysa ayaa soo dhaweeyay Bandhigyada noocan oo kale ah oo ka qayb qaadanaya ayuu yidhi Kor u qaadka Wacyiga Bulshada. Safiirku waxa uu faah faahin…

          Read More

            Kufsigii Ka Dhacay Xerada Maslax Ee AMISOM Ku Lug-lahayd oo dad loo xidhxidhay

            Muqdisho:16-Aug-2013(SDN)XukuumadDa Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kufsi lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay qeyb ka qaateen oo xukuumadda ku-meel-gaadhka aad u gilgilay.   Afhayeenka xukuumada Soomaaliya  Ridwaan Xaaji Cabdi, ayaa xaqiijiyay in dowlada Soomaaliya ay gacanta ku heyso mid kamid ah Askarta ciidamada meletariga dowlada Soomaaliya….

            Read More

              Itoobiya oo adkaysay Xuduudaha ay la Wadaagto Somalia iyo Diyaar Garowga Xuska Geeridii Males Zenawi oo Ka Socota Dalkaas

              Addis Ababa 16.Aug 2013 (SDN)-Dowladda Itoobiya ayaa xoojisay Xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya kadib markii la geeyay Xuduudahaa Ciidama xoogan oo amaanka Xuduudahaa suga. Xuduudaha sida aadka ah loo adkeeyay waxaa ka mid ah Xuduuda Itoobiya la wadaagto Gobalka Hiiraan halkaa oo la sheegay in ay Geeysay Itoobiya Ciidamo hor leh si amaanka xuduuda u…

              Read More

                Ahlu Suna Wal Jamaaca oo Wax laga Xumaado Ku Tilmaantay ka Bixista Somalia ee MSF iyo Baaq ay u direen

                Muqdisho 16.Aug.2013 (SDN)- Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii ay ku dhawaaqday hay’adda MSF oo ahaa in ay joojinayso howlihii ay ka wadday Soomaaliya. Guddoomiyaha Saddexda Gole ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa Warbaahinta u sheegay in go’aanka MSF uu yahay…

                Read More

                  Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Sheegay Inay Xal Ka Gaareen Maleeshiyaadki Gadooday.

                  Kismaayo 16.Aug (SDN)-Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay sheegeen inay xal ka gaareen maleeshiyaadki Raaskmbooni ee gadooday, ka gadaal markii shalay ay xaalad cakiran galiyeen Magaalada Kismaayo. Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxay ka cabanayaan bilaa mushaaraad, xilli muddooyinkii ugu dambeysay loo balanqaadaayay in si joogto ah, loo siin doono mushaaraadka ay Horjoogeyaasha ku lee…

                  Read More

                    Madaxweynaha Punt land oo dhagax dhigay Dhismaha Masjid loogu Magacaabo Masjidka Al Shuhadaa

                    Garoowe 16.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta  ku dhagax dhigay xarunta Madaxtoyada Masjidka Al-shuhadaa oo loogu talogalay inay ku ogaan salaada shaqaalaha iyo ciidanka Madaxtoyada. Dhulka uu ku fadhiyo Masjidka ayaa noqonaya 35×22, waxana madaxweynaha wehelinayay culimo. Madaxweyne Farole ayaa ka dib dhagax dhiga dhismaha Masjidkan ku tilmaamay ficil…

                    Read More

                      Madaxweyne Obama oo Ku Dhawaaqay inay Joojiyeen Taageeradii Dawladiisu Siin jirtey Dalka Masar

                      Washington:16-Aug-2013(SDN)Madaxweyne Barack Obama, ayaa  ku dhawaaqay inay Dawladiisu ka laabtay  taageeradii ay siin jireen dalka Masar.   Arinta ayaa ku soo aadeysa maalin uun ka dib markii ay millitiriga Dalka Masar ay layeen banaanbaxayaal ka tirsan Uururka ikhwaan-ul- muslimiin. Madaxweyne Obama ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadii ay qadeen ciimada miltariga Dalka Masar.  …

                      Read More

                        Markabkii Mucaawinada Siday ee Puntland Iska Celisay Oo Somaliland Ku soo Wajahan

                        Hargeysa:16-Aug-2013(SDN) wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in markabkii mucaawimada siday ee Puntland dhawaan dub ugu celisay Dawaladda Federalka ahi uu ku soo wahan yahay dhinaca Dekeda Berbera. Waxa ay wararku intaas ku dareen in dawladda Federalka ahi Somaliland kala hadashay sidii loo gaadhsiin lahaa shacabkii loogu talo galay oo badidoodu degen tahay meelo…

                        Read More

                          Siyaasiga ugu Culus Mucaaridka Qurbejooga Jabuuti oo Wareysigii ugu dhegeysiga badnaa siiyay Website Muxaafid ah

                          Ottawa Aug 16,2013(SDN)-Siyaasiga Xusen Cabdiraxmaan Cadhoole ee ka mida siyaasiyiinta reer Jabuuti ee Qurbejooga ugu firfircoon ayaa wereysi xiiso gaar ah leh siiyay barta Internetka ee Djibtalk. Wareysigan ayaa uu Siyaasigu uga warbixinayaa dedaaladii mucaaridka Jabuuti dibedaha ka wadaan. Sidoo kalena waxa uu ka warbixinayaa wadahadalada Mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti dib u fereen dhawaan. HALAKAN…

                          Read More

                            Eritrea oo Ethiopia Ku Eedaysay Burburinta iyo Kala Qaybinta Soomaaliya

                            Nairobi:16-Aug-2013 (SDN) Dowladda  Go’doonsan ee Eritrea , ayaa markii ugu horeysay  ka hadashay arinta Maamulka Juubbaland iyadoo ku edeysay dowladda Ethiopia inay waddo qorshe ah burburinta iyo kala qeybinta Soomaaliya. Safiirka waddan Eritrea u fadhiya Kenya ayaa sheegay in Ethiopia ay qorsheyneyso inay kala qeybiso Soomaaliya iyadoo ukala qeybinaysa maamul goboleedyo badan sida Puntland Galmudug,…

                            Read More

                              Erdogan oo ku Tufay Munaafeqnimada reer Galbeedka ee Ku Wejehan Masar iyo waxa dalkiisa ay uga dhigan tahay

                              Istanbul Aug 16,2013(SDN)-Raiisul Wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinka murugada leh ee warbaahinta caalamku shaashadaha soo dhigeysay maalmihii u danbeeyay. Erdogan ayaa si gaar ah uga hadlay sida ba’an ee loo laayay taageereyaasha madaxweynihii la afgenbiyay ee Masar. “Kuwii doonayay isbedel dimuqraadi ah ayaa si ba’an loo xasuuqay “ayuu…

                              Read More