Ericsson helps reunite long lost brothers

    Swedish telecom giant Ericsson last week helped a man in Kenya reunite with his brother in Sweden after ten years of silence, thanks to a technological partnership with NGO Refugees United. “My brother and I kind of stumbled across this idea when we helped a young Afghan refugee try to track down his seven family…

    Read More

      Kor u Kac dhan 300 oo Qof oo Ku Geeriyooday Duufaanadii ka dhacay Ismaamul Goboleedka Punt land

      Garowe 13.Nov 2013 (SDN)- Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay in ay sii kordhi karto dhimashada ka dhalatay Roob duufaan wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland, kaddib markii uu meel dhexe ku xannibmay gargaar loo waday dad ku dhibaataysan deegannada qaar. Maamulka ayaa sheegay in la la’yahay kalluumeysato badan kuwaasoo loo malaynayo inay geeriyoodeen,…

      Read More

        Natiijada ka Soo Baxday Shir Deg Deg ah oo ay Yeesheen Golaha Wasiirada Somalia iyo Nuxurka ka soo baxay

        Muqdisho 13.Nov 2013 (SDN)- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg isugu yimid galabta ayaa Gudi heer qaran u magacaabay dhibaatadii duufaanta Cyclone ee ku dhifatay Xeebaha bari ee Puntland, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan boqol ruux, halka kumanaan qoys ay ku barakaceen. Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Saacid…

        Read More

          Kulmiye oo Beeniyay inay Go’aamo ka soo baxay Gudida Fulinta ee Xisbigaas u Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo

          Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)-Xisbiga Kulmiye ayaa War Qoraal ah oo ay soo saareen Waxay Ku beeniyeen War lagu faafiyay Wargayska Waaheen ee Ka Soo Baxa Caasimada Hargaysa isla markaana lagu sheegay in Kulan ay Yeesheen Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ay ka soo saareen Go’aamo kuwaas oo ay u Gudbiyeen Madaxweynaha. Warsaxaafadeed Kooban oo uu…

          Read More

            Wefti Ganacsato Warshadlay ah oo Booqasho ku Yimid Somaliland iyo Wasiirka Warshadaha oo ka hadlay

            Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada  warshadaha  j s l Md Abiib Diiriye Nuur oo uu weheliyo  agaasimaha guud ee wasaaradaasi  ayaa maanta gegeda diyaaradaha Egal international Airport ee Magaalada Hargaysa  kusoo dhaweeyay wafti ganacsato warshadlay ah oo ka socota dalka Shiinaha Waftigan ganacsatada shiinaha ah oo  mashaariic ganacsi ka samayn doona dalka ayaa wasiirka wasaarada warshadaha j s l Mudane Abiib…

            Read More

              Agaasimaha Sama falka ee Wasaarada Dibu dejinta oo Raashin u qaybisay Qoysaska danyarta ah ee Xaafada State House ee Hargaysa {DHAGAYSO}

              Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)- Agaasimaha samofalka  marwo amina maxamuud diiriye ayaa maanta deeq raashin gaadhsiisay 36 qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee degan xaafada state house ka ee magaalada hargaysa. Deeqdaasi oo ka koobnayd raashin  isagu jira bariis ,daqiiq iyo sonkor ayaa agaasimaha samofalka marwo amina maxamuud diiriye oo ka hadshay halkaasi ayaa sheegtay in…

              Read More

                Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilad oo Sharci daro ku Tilmaamay Shirka Mucaaridku ku baaqeen {DHAGAYSO}

                Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa Sheegay inuu Sharci daro yahay Shirka Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani ku baaqeen waxaanu Xusay inuu Shirkaasi ka Hor imanayo Shuruucda dalka u degsan. Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada ayaa hadalkan ka…

                Read More

                  Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif oo Si Niyad Sami leh u bogaadiyay Go’aanka Qaramada Midoobay

                  Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku ansixiyy kordhinta tirada ciidamada AMISOM iyo qorshaha lagu taageerayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Danjire Annadif ayaa sheegay in go’aanka Golaha Ammanka uu ku soo beegmay xilli ku habboon,…

                  Read More

                    Nairobi: Ciidamada Kenya oo Toogasho ku dilay Laba Nin oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha Argagixisada

                    Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Ciidamada Booliska Kenya ayaa saaka Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ku toogtay labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii sanadkii hore lagu dhaawacay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ahaa Xildhibaanka degmada Kama-Kunji ee Xaafada islii ka tirsan tahay. Howl gal saaka ay qaadeen Ciidamada Booliska ayay labada nin ku dileen…

                    Read More

                      Safiirka Somalia u fadhiya Kenya oo dalbaday in Gurmad lala gaadho dadka ku Nool Punt Land ee Duufaanadu haleeleen

                      Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo dibadda  inay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay roob dabeylo wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland. Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay kaddib markii uu maanta shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Nairobi ee…

                      Read More

                        Dagaalkii dhex Yaallay Xasan Sheekh Iyo Saacid Oo Isu Rogay Dhinaca Baarlamaanka Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyey

                        Muqdisho:13-Nov-2013(SDN)-iyadoo uu dhawaan xadhkaha goostay khilaaf Huursanaa oo dhex miranayey madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Saacid, ayaa waxa Haatan Golaha ka dhex bilaabmay olole xooggan oo labada masuul ku kala jiidanayaan. Kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka oo dhaqan  xun ka noqotay muqdisho tan iyo ka dambaysay Burburkii Soomaaliya, ayaa ay xildhibaanadu u arkaan fursad ay ku…

                        Read More

                          Madaxweyne Faroole Oo Indhihiisa Ku Soo Arkay Dhibaatooyinka Naf iyo Maal-ba Leh Ee Roobabkii Dabaylaha Watay Sababeen

                          Garowe:13-Nov-2013(SDN)-Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxaman Sheekh Maxamed Farole ayaa shalay gelinkiii danbe Socdaal gaaban ku tagay halka ay wadadu ka go’day oo magalada Garowe u jirta 60-km dhanka Bari. Madaxwaynaha Puntland oo saxaafada kula hadlay goobaha uu tegay ayaa sheegay wadada go’day inay saamayn ku yeelatay gurmadkii loo samaynayay dadka ku tabaalaysan deegaanadu ay ka dhacday duufaanta…

                          Read More

                            Wasiir Cukuse Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Kaga Hadlay Khilaaf Uu U Hibeeyey Xisbiga Aanu Ku Abtirsan Ee Kulmiye Iyo Hoggaanka Xisbiga Oo Cadho Ka Muujiyey

                            Hargeysa:13-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse) ayaa madal xisbiga Kulmiye ku soo dhaweynayey Xildhibaanno ku soo Biirayey, waxa uu Hannaan aanu masuuliyaddiisa lahayn uga Hadlay khilaaf uu sheegay inuu xisbiga Kulmiye dhexyaalla.   Wasiir Cukuse oo aanu isagu Ab iyo Isir midna u lahayn taariikhdii dheerayd ee Xisbiga Kulmiye, ayaa…

                            Read More

                              Wasaaradda Duulista Oo Ceebo Dul Hoganayaan iyo Sababaha Dhabta ah ee Diyaaraduhu uga caageen Garoonka Hargeysa Oo Shaaca laga qaaday

                              Hargeisa:13-Nov-2013 (SDN)-Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Internarional Aiport, ayaan Haba yaraatee ilaa shalay wax Diyaarad ahi soo Fadhiisan, maadaama Aanu Garoonku lahayn wax isgaadhsiin ah oo uu kaga warbixin karo xaaladaha Noocan Oo Kale ah ee Roobabku jiraan. Gegida ayaa sida ay sheegayaan warar hoose oo shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ay Diyaaradihii waaweynaa ee soo…

                              Read More

                                Mareykanka oo Boko Xaraam ku biirinaya diwaanka Argagixida

                                Washington Nov 13,2013(SDN)-Sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in dawlada Mareykanku ay qorsheyneyso in ay diiwaanka argegixisada ku biiriso kooxda xagjirka ah ee Nigeria ee Boko Xaram. Boko Xaraam ayaa kolka lagu biiriyo diwaanka argegixisada ayaa waxa ay ka dhigan tahay in hayàdaha dawliga ah iyo kuwa gaarka ahiba aaney wax…

                                Read More

                                  DAAWO:Barnaamijka Dhacdooyinka oo lagu eegayo Khilaafka u dhexeeya Madaxweynah iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

                                  London Nov 13,2013(SDN)-Barnaamijka Falaqeynta Dhacdooyinka ee TV-ga Somali chanel ayaa lagu lafo guray Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid u dhexeeya. Waxa si gaar ah Barnaamijka loogu egayaa doorka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku leeyiiin khilaafka taagan iyo waxa dastuurkadalku ka leeyahay awoodaha masuuliyiinta. Halkan hoose ka DAAWO…

                                  Read More