Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”
Muqdisho Nov 04,2013(SDN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda. “Waxaan dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Bulshada Caalamkaba ugu baaqayaa in si banii’aadamnimo…
