Home » 8:19 pm Entries posted on “April, 2016”

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo U Diray Shaqaalaha Somaliland Maalinta Shaqaalaha Awgeed

HAMBALYO MADAXWEYNE : 30/04/2016 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale waynaha Somaliland, munaasibada 01-May, Maalinat shaqaalaha adduunka awgeed. Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax soo saarka iyo horumarinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsataa. Madaxweynuhu wuxu tilmaamay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Khudbad Ka Horjeediyay Baarlamaanka

Muqdisho, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Raysal wasaaraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake ayaa maanta khudbad ka horjeediyay kulankii baarlamaanka ee maanta.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Masuul Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Shaqadii Xisbigaasi Laga Joojiyay

Hargeysa, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Xoghayihii golaha dhexe ee xisbiga UCID ayaa la sheegay in shaqadii laga joojiyay, sida lagu sheegay war qoraal ah oo goordhaweyd kasoo baxay golaha dhexe ee xisbigaasi kaasi oo uu ku saxeexanyahaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Wasiir Cukuse iyo Cabdi-Wadaad Oo Kormeeray Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Degmada Sallaxley

Sallaxley, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuse] iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Mudane Cabdi Yuusuf Ismaaciil [Wadaad] ayaa maanta kormeeray diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Sallaxley.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Waa Maxay Sababta Xilka Looga Qaaday Ex-Wasiir Abgaal?

Hargeysa, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Wasiirkii hore ee boostaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa ka hadlay sababta uu madaxweyne Siilaanyo xilka uga qaaday, isagoona sheegay in markii madaxweyne Siilaanyo uu qoraayay warqadda xil ka qaadistiisa uu cadhoonaayay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- ‘’Doorkan Doorashadu Waa Doorkaygii Muran Kuma Jirto ” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,30,4,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta iska diwaan geliyey xarunta hay’adda shaqalaaha dawlada ee magaalada Hargeysa. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo markii uu is diwaan geliyey la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay dareenka gaarka ah ee ay maalintani u leedahay iyo xusuusaha maalmihii ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Madaxweyne Siilaanyo oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashada

Hargeysa, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qaatay kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland, iyadoona uu madaxweynuhu daahfuray bilowga diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhibaan Buubaa Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya

Hargeysa , 30,4,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Guddoomiyaha Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa wuxuu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in tan iyo wakhtigii la bilaabay wada hadalada in aan Golaha Wakiilada la hor keenin waxyaabaha lagu wada hadlay, waxaanu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Anagu In Aanu Somaliya La Hadalno Meel Adag Ayaanu Iska Taagnay, Mawqif Adagna Waanu Ka Lahayn”Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa, 30.4.2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Deeq bixiyayaashu Doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in iyaga la’aantood Doorasho qabsoomaysaa aanay jirin, waxaanu ku taliyey in la isku tashado, oo la qorsheeyo sidii ay Somaliland Doorashooyinkeeda iskeed u qabsan lahayd.  Madaxweyne ku xigeenkii hore […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland oo Maamulka Puntland ku Wareejisay Baabuurkii Madaxwayne-Xigeenka oo Lala soo Goostay

Laascaanood, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa Maamulka Puntland ku wareejisay gaadhi uu leeyahay Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland oo dirawalkii waday Somaliland ula soo goostay. La Taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md Axmed Xasan Cigaal iyo Afhayeenka wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Jamaal Cabdi Muxumed ayaa si rasmi ah maamulka Puntland ugu wareejiyay gaadhgan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »