Home » 3:55 am Entries posted on “July, 2016”

Somaliland:Munaasibad Balaadhan oo Lagu Soo Gabo Gabeeyey Bandhiga Caalamiga Ah ee Buugta Hargeysa Iyo Weedhihii Siyaasiyiinta iyo Qallinleyda DAAWO

Hargeysa ,31.July 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof ayaa lagu soo gabo gabeeyey bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ee sanadkan 2016-aad oo ku suntanaa kalkii 9-aad ee la qabto. Bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa oo sanad walba la qabto hal mar ayaa waxa lagu soo bandhigaa buug […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xaaska Donald Trump oo website-keedii hawada ka saartay markii ay mar kale ay fadeexad dhex fadhiisatay

Washington  ,31.July 2016 (SDN/QJ):-  Haweenayda uu qabo musharaxa xisbiga Jamhuuriga Melania Trump ayaa bog ay internetka ku lahayd uu hawada ka baxay, kadib markii su’aal laga keenay heerkeeda aqoon iyo shahaadooyinka ay haysato. Horay waxaa loogu eedeeyay inay koobi garaysay khudbaddii Micheale Obama. Waxaa boggeeda ugu qornaa inay shahaadada koowaad ku diyaarisay Naqshaydaynta iyo Injineeriyadda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maamulka Dugsiga Turkish Nile Academy oo Xukuumada Somaliland ku Taageeray inaanay Xidhin Dugsigooda DAAWO

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Guud ee Dugsiga Turkish Nile Academy ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa Waxay ku Bogaadiyeen doorkii Xukuumadda Somaliland ka qaadatay in Dugsigani ka sii Shaqeeyo Gudaha Somaliland .

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Turkiga oo Nigeria ka Dalbaday In la Xidho 17 Dugsi oo uu leeyahay Fetullah Gulen

Ankara  ,31.July 2016 (SDN/QJ):-  Xukuumadda Turkiga ayaa Nigeria ka codsatay inay xidhto tiro iskuullo oo ay sheegtay inuu leeyahay Fetullah Gulen oo dhawaan ay Dawladdu ku eedeysay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.   Danjiraha Turkiga u fadhiya Dalka Nigeria  Hakan Cakil, ayaa sheegay inuu codsaday in albaabada loo laabo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Yaan la idin gaadin Soomaaliyeey, dawladda Xasan Sheekh xilka waa kororsanaysa” Siyaasi Tarsan

Muqdisho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan ahna nin aad u naqdiya xukuumadda haatan jirta ee Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladdu doonayso inay xil kororsi samaysato.   Waxa uu baaq usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dawladda Soomaaliya oo qorsheheeda xil kororsiga uu cadyahay.   “ Yaan la idin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirada Haweenka putland iyo sawiirada haweenka D F S oo gaadhay Qardho DHAGAYSO

Qardho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirada Haweenka Puntland marwo Aniso C/qaadair muumin iyo wasiirada Haweenka Dowlada fadaraalka soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa Gaaray magalada qardho ee xarunta Gobalka Kar kaar. Wafdigan wasiirada ah ayaa waxa siween magalada Qardho ee xarunta Gobalka kar kaar waxaa soo dhaweeyay wasiirada ka qeeb qaatay odayaasha dhaqanka wax garadka haweenka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Weedhihii Kaftanka Lahaa ee Hogaanka Sadexda Xisbi Ka Yidhaahdeen Wanqasha Degmada Balli Mataan DAAWO

Hargeysa 30.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Loo Wanqalay Degmada Cusub ee Bali Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex Isla markaana ka Mid ahayd Degmooyinkii Cusbaa ee uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiye Cirro oo Hooyo Xaabo la dhaqaaqi la’a Jidka Kula Kulmay,Sheekada Dhex Martay DAAWO

Hargaysa 30.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye CIRRO, wuxuu Jidka kula kulmay Hooyo Da’ Ah Oo Dhabarka ku Sidda Xaabo Badan, wuu Xaal wareystay, ka dibna Iyadii Iyo Xaabadiiba Gaadhiga Ayuu Ku Qaaday, Qadar Lacag ahna Wuu kaga farxiyey

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka Hadlay Bilowga Wejigii Sadexaad ee Diiwaangelinta Gobolka Sanaag DAAWO

Ceerigaabo 30.July 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Shaaca ka qaaday in Wejigii Sadexaad ee Hawlgalka qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu uu ka bilaabmay Gobolka Sanaag.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaalida Ottawa oo si weyn uga soo Qayb-galay Aaska marxuum Soomaaliyeed Oo Boolisku Dileen

Toronto,30,7,2016 (QJ/SDN) – Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa si wadajir uga wada soo qayb-galay duugtii marxuum Cabdiraxmaan Cabdi oo ay Axaddii aynu soo dhaafnay booliska magaalada Ottawa ku dileen agagaarka gurigiisa. Dadweynihii duugtaas ka soo qay-galay ayaa si weyn uga careysnaa sida foosha-xun oo ay booliska magaalada Ottaw u dileen wiilkan Soomaaliyeed. Dad badan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »