Home » 5:55 am Entries posted on “May, 2017”

Duruusta Ramadaanta Iyo Qurbejoog.com {Kuma Ayuu Ahaa Imaam Al-Dabari }!

Hargaysa 31. May 2017 (SDN/QJ):- Imaam Al-dabari waxa uu ka mid yahay CulimadaTafsiirka Qur’aanka Kariimka kuwa ugu cadcad, iyo waliba Taariikhyahanada ugu Caansan ISlaamka, magaciisa dhabta ahina waa Maxamed Bin Jariir, waxanu ku caan baxay xilligii uu noola Magaca Abu Jacfar Al-dabari, waxa uu dhashay sanadkii 224 ee Hijriyada waxaanu geeriyooday sanadkii 310 ee Hijriyada. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Faransiiska Oo u Cadeeyay Dhigiisa Ruushka In aanay Gacmaha ka Laaban Doonin Dagaalka Suuriya

Paris 31. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Faransiiska Mr: Emmanuel Macron ayaa si toos ah ugu wargaliyey madaxweynaha Ruushka Mr: Vladimir Putin, oo booqasho ku yimid caasimada Faransiiska ee Paris, in aan dawladiisu gacmaha ka laabanayn marka ay u adeegsato xukuumada Suuriya dagaalka sokeeye hubka kiimikada ah. Hase ahaatee, madaxweyne Putin oo arintaasi ka jawaabaya ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wiil Laba Madax Leh Oo Ku Dhashay Dalka Suuriya & Waddan La Geeyay Si Xaaladiisa Loola Tacaalo!

Dimishiq 31. May 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta Dalka Suuriya ayaa soo bandhigtay Arrin Mucjiso ah kadib markii wiil yar uu ku dhashay isaga oo laba madax leh. Dhakhaatiirta qaar ayaa markii  hore waxay shaaciyeen in aanu ahayn wiil kaliya, balse ay mattaano yihiin laakiin markii dambe waxa la xaqiijiyay inuu yahay wiil laba madax leh, dhakhaatiirta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Halkee Ayuu Ku Yaalla Ceelka Uu Cismaan Bin Cafaan Ka Tagay Ee Ilaa Iyo Hadda Jira ?

Madiina 31. May 2017 (SDN/QJ):- Ceelka magaciisa la yidhaahdo Rooma ayaa waxa uu ku yaallaa Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara, ceelkan waxa ka tagay Saxaabigii Cusmaan Bin Cafaan waxaanu Ceelkaasi jiray 1,400 oo sano. Ceelkan waxa uu Cismaan Bin Cafaan uu Iibiyay Dadkii Muslimiinta ahaa ee ku noolaa Magaaladaasi, waxa aanu Dadku biyaha Ceelkaasi ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciyaaryahanka Ronaldo Maka Qayb Qaadan Doono Fillimada Ramadaanta Ee Dalka Masar !

Qaahira 31. May 2017 (SDN/QJ):- Sida caaddada u ah Dadka ku dhaqan Dalkaasi Masar waxay bisha Ramadaan sanad walba sameeyaan Fillimo loogu tala galay bisha Ramadaan, waxaanay aaminsan yihiin Dadkaasi in Aflaamta iyo Musalsalaadka kala duwan ee bishaasi la soo saaro ay aad uga wanaagsan yihiin kana fiican yihiin kuwa la soo saaro guud ahaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciyaaryahanka Ugu Qaalisan Dunida Oo Guttay Waajibka Cumarada !

Makka 31. May 2017 (SDN/QJ):- Ciyaaryahanka ugu qiimaha Qaalisan Dunida ee ka ciyaara kooxda Manchester United asal ahaana ka soo jeeda Dalka France ee magaciisa la yidhaahdo Paul Pogpa ayaa waxa uu gutay waajibka Cumrada ee Sanadkan 1438 ee Hijriyada. Ciyaaryahankan ayaa waxa uu soo bandhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo ku sugan gudaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddidii Taakulada Abaaraha Heer Qaran Oo Caawa Soo Bandhigay Xisaab Xidhkii Ay Ku Shaqaynayeen Mudadii Ay Xaaladda Abaartu Dalka Haysay, Dhinacna Isaga Leexiyey Eedo Loo Jeediyey SAWIRO

Hargaysa 30. May 2017 (SDN/QJ):-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Qasriga madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay guddida taakulaynta abaaruhu kusoo bandhigeen xisaab xidh dhamaystiran  oo ku saabsan qaadhaankii soo gaadhay mudadii lagu jiray xaaladii abaaraha ee dalka ku habsatay.   Guddida oo si faahfaahsan u soo bandhigtay xisaab xidhkaa ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi U Saaray Xaalada Maxaabiista Xabsiga Dhexe (Akhriso)

Muqdisho 30. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafaded uu ku sheegay inuu magacaabay guddi soo baara xaalada maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe. Farmaajo ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada maxaabiista xabsiga dhexe, sidaas awgeedna uu guddigan u magacaabay iney warbixin ka soo siiyaan tirade maxaabiista xukuman, dembiyada ay galeen, iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kormeeray Garoomada Kubadda Cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax Iyo Xiisaha Ku Lamaan DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 30. May 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray garoomada kubadda cagta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee ay ka socdaan tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen madax kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, ayaa galabta booqday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Puntland Oo Magaalada Gaalkacyo Ku Xidh Xidhay Kooxo Caadaystay in Bisha Ramadaan aanay Soomin SAWIRO

Gaalkacyo 30. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxay ku soo qabteen 15 nin oo ka tirsan kooxaha ma soomayaasha ah. Kooxahan ayaa la soo qabtay sameysanaya raashiin, isla markaana isticmaalaha waxyaabaha maanka dooriya shiishada iyo Xashiishka. Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Yaasiin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »